Nin Ka Mid Ah Qaxootigii Ka Soo Cararay Dagaalka Yemen Oo Isku Hor Gubay Xarunta Hay’ada Qaxootiga Ee UNHCR ee Magaalada Hargeysa.

HargeysA(GNN)-Qof la sheegay inuu ka mid ahaa dad qaxooti ah oo ka soo cararay dagaallada dalka Yemen ka socda una dhashay dalka Yemen Ayaa isku gubey meel u dhow dhismaha ay magaalada Hargeysa ka deggan tahay hay’adda qarammada midoobay u qaabilsan dhinaca Qaxootiga ee UNHCR
Illaa hadda ma jirto cid si rasmi ah arrintan uga hadashay oo ka tirsan UNHCR iyo xukuumadda Somaliland toonna.
Dhinaca kalena Somaliland waxaa ku sugan qaxooti tiro badan oo ka soo cararay dagaallada dalka Yemen. Sidoo kalena Warbixino ay xilliyo hore soo saareen qaar ka mid ah hay’adaha xuquuqda aadanaha ee Somaliland ku sugan ayaa ka dayriyey xaaladda nololeed ee qaar ka mid ah qaxootiga Yemenida ah.