Shan Wasiir Oo Shaaca Ka Qaaday Inaanu Madaxweynuhu Taageerin Musharax Gaar Ah Kana Hadlay Xaalada Uu Dalku Galay + VIDEO.

Hargeysa(GNN):-xubno ka mid ah golaha wasiirada somaliland ayaa ka hadlay xaalada nabad galyo ee dalka iyo is casilaadii ay sameeyaan wasiiradii ka tirsanaa xukuumada madaxweyne Siilaanyo.

Xubnahan oo maanta shir jaraa,id ku qabtay xarunta wasaarada gaashaandhiga ayaa kala ahaa wasiirka gaashaandhiga, wasiirka caafimaadka, wasiirka macdanta iyo tamarta, wasiirka ganacsiga iyo wasiirul dawlaha wasaarada maaliyada, kuwaas oo dhamaantood sheegay in loo baahan yahay in nabad galyada qaranka la wada ilaaliyo.

Ugu horayn Wasiirka gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami oo ka hadlay shirkan jaraa,id ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Ilaahay inaguma keeno fidno dalkuna waa nabad, dalka iyo dadkuna waxay ku baryeen nabad galyo , saaxiibadii aanu hawsha saaxiibka ku ahayn habeen ayaanu sii kala maqanahay, caytan, is huruuf iyo maxaad sidaa u yeeshay waxaas oo dhami way soo dhamaaday, xor ayuu qofku u yahay inuu go,aankiisa gaadho marka uu masiirkiisa ku salaysan yahay.” Ayuu yidhi wasiirka gaashaandhiga somaliland.

Wasiirka tamarta iyo macdanta Xuseen Cabdi Ducaale oo isaguna shirkan jaraa,id ka hadlay ayaa sheegay inaanay dalka wax dhib ahi ka dhicin waxaanu yidhi “Cirku inagumuu soo dhicin, dhul gariir muu dhicin, niman walaaladay ah oo aanu saaxiib nahay ayaa xuquuq ay leeyihiin tijaabiyey,

Wasiirul dawlaha wasaarada maaliyada Cismaan Saxardiid Cadaani oo haatana loo magacaabay wasiirka cusub ee wasaarada duulista oo isaguna ka hadlay shirkan jaraa,id ayaa yidhi “Khayr ayaanu u rajaynaynaa xubnaha is casilay, waxaanan filaynaa inay dalkan wanaagiisa iyo nabadiisa iyo hawlihiisa ay ka shaqaynayaan, han siyaasadeed ayuunbaana jira, sida uu madaxweynuhu sheegay cid uu kala raacay ma jirto, waxaanu kala sugayaa golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye cida uu soo saaro.”

Wasiirka caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed Kaar Xaglatoosiye oo isaguna ka hadlay shirkan jaraa,id ayaa sheegay in xaalada siyaasadeed ee dalka ka jirtaa ay keenayso is qabashada waxanu yidhi “waa xili siyaasadeed markaa muran iyo buuq iyo isqabasho la waayi maayo, markii uu madaxweynuhu dalka yimid waxa uu sheegay in hab dimuqraadiyadeed oo hufan loo tartamo, waxaanu sheegay inuu dhex dhexaad yahay natiijo kasta oo ka soo baxdana shirkana uu si buuxda u taageerayo.” Ayuu yidhi wasiirka caafimaadku.

Ugu danbayna wasiirka ganacsiga somaliland Muuse Qaasim ayaa sheegay in la dhamayn doono khilaafka jira, waxaanu yidhi “sidii uu awalba nabad qabka iyo caafimaad qabka ugu dhamaan jiray ayuu khilaafkani u dhamaanayaa, wax iska badalay ma jiraan shirkii Kulmiye 10-ka bisha ayuu qabsoomayaa sidiisii ayaanu u soconaya, xubnaha is casilayna waa xaq dastuuri ah oo ay leeyihiin inay is casilaan.” Ayuu yidhi wasiirka ganacsigu.

Sidoo kale wasiiradani waxay carabka ku adkeeyeen inaanu madaxweyne Siilaanyo kala dooran musharaxiinta ku tartamaya xisbiga Kulmiye isla markaana uu ka war sugayo natiijada ka soo baxda shirka golaha dhexe ee xisbigaasi.
GABILEY.NET
GABILEY OFFICE