Shaqsi Shacabkii Doortay Mahadiyeen!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!.

”Horta Sifooyinka Qofka Wanaagsan Ilahaybaa Sheegay, Sida Aan Anigu Qabona Qof-walba Sida uu EEBE Ugu Hanuunsanyahay Ama Dhaqankiisu Yahay ficilkasta oo Uu Qaadayaa Ayuunbaa Taariikhda u Gala jiilka Ka Danbeeyaana Ka Dhaxlaan””………………Qalinkii Qoraa C/laahi Nuur Janaale

Hargeisa(GNN):-Wanaaga Iyo Samaha ayaa ah ka ilahay agtiisa in badan aan wax kagaga goosaneyno, Shaqsigii Wanaag Ku Talaabsada ama Wax Wanaagsan Qabtana Waa Waajib Inaan Uga mahad celino, Waxaa caawa qalinka u qaatay inaan Mahad Naq Iyo Maamuus Gobanimo iyo islaamnimo Halkan kaga iftiimiyo Shaqsi Sida Hilaaca Ama Iftiinka Uga Soo Mudhbaxay maamulka Heer Gobol iyo Degmo Ee gabiley, Waxaan Sanadihii laga soo bilaabo ilaa 2004 kunoolaa Dalka Holand Waxaan In Badan La Socdaa Siyaasada Dalkii Aan U Dhashay Ee Somaliland,
Muddo Ku Siman Bilo Aan Badneyen Waxaa Gobolka Gabiley Maayir ka Noqday Wiil Dhalinyar ah Oo aan odhan Karo Waxaa uu Ka Mid yahay Faro ku Tiriska Ama Dadka Tirada Yar ee Siyaasadii Gobolka Iyo Horumarkii Gobolka Kor Usoo Qaaday, Maxamed Amiin Cumar Cabdi Maayirka Magaalada Gabiley Oo Aan Aqoon Dhalinyarnimo Wakhtigii Waxbarashii Hoose Isku Fasal Ahayn aan u Lahaa Waxaan Ku Aqaaney Wiil ilaa Xad Afgaaban Aqoonta Jecel Cibaadadana Isagaaba Inta Badan Hormuud Nagu Haga Ahaa, Waa Qoraalka eebe Mar Waan Ku Farxay Markii Aan Maqlay Waxaa Maayir Gobolkii u Noqday Maxamed Amiin , oo Waayo Waxaan ogaa wanaagiisa, Marna Waan ka Naxoo Waxaa Is Idhi Armay Siyaasadu Horaa Loo Yidhi Nin Xil Qaaday Eed Qaaday Karkaarka Waydaarisaa, Balse Mahadi Eebay u Sugnaatee Waxaa Uu Noqday Mid Waddo Toosan Oo cusub u Jeexay dhalinyartii Gobolka Iyo Siyaasiyiintii Gobolka Gabiley, Wanaaga Qofku ama Xumaha Qofkuna Isma Qariyo ”Horta Sifooyinka Qofka Wanaagsan Ilahaybaa Sheegay, Sida Aan Anigu Qabona Qof-walba Sida uu EEBE Ugu Hanuunsanyahay Ama Dhaqankiisu Yahay ficilkasta oo Uu Qaadayaa Ayuunbaa Taariikhda u Gala jiilka Ka Danbeeyaana Ka Dhaxlaan.
Waxaan Aad Ugu Amaanayaa Oo Ilahay Ku Simay Sida Hagar La’aanta Ah ee uu ugu Hagar-baxay Ciyaartoygii Gobolka Gabiley Ee Guusha Kooxaha Sideeda usoo Baxay Ilahay Ku Guuleeyey, Waxaa Igu Maqaalo Ah In Dhiiri galin, dhaqaaleyn iyo Dardaaranba La Garabtaagnaa Wakhtigii Ay Ku Gudo Jireen Gudashada Ciyaaraha Gobolada, Waxaan Inta Badan Tvyada Ka Dheehanayey Isagoo Dhoolacadeyna Oo Ka Dhexmuuqda Xulka Gobolka Gabiley, Waxaa Hore Loo Yidhi Marka Marka Laysku Tago Ayaa Wax La Taaban Karo la Qabtaa, Waa Talaabo Horumarineed oo Ugu Mahadnaqayo Walaalkay Maxamed Amiin, Waanan Rajeynayaa inay Kusoo guulaystaa Koobka Gobolada dalka Somaliland,
Waxaa Hubaal Ah oo Shaqsi kasta Oo La Socodka Xaalada Gobolada Somaliland Qirayaa In Siyaasadii Gobolka Gabiley Xaalad Degan oo Nabdoon Hadda Ku Jirto oo aaney Ka Jirin Wax Buuq Iyo Qaylo Ah Dhinackasta Ha Noqotee Taaana Sidaan Qabo Waxaa Bud-dhig U ah Ijiinka Udub Dhexaadka Ah Ee Golaha Deegaanka Ah Maayirka Magaalada Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi.

Taariikhda ayaa Xusta Qofkasta oo Shacabka Somaliland Horuud Ka Dhigtaan ama Xil U Dhiibtaaan Dhabada uu Qaado iyo Sida uu Wax ugu Maamulo,
Waa Hubaal Aan Ku Hanweynahay In Uu Sida Ugu Haboon U Gudan Doono Waajibka Qaran ee Uu Umada Uga Masuulka yahay,
Waxaanen Qirayaa In Uu yahay Siyaasi Ku Sifoobay Daacadnimo, Dad La Noolaasho ,Dulqaad, Diin Ku Dhaqan oo Usoo Baxay Gobolka Gabiley…. Waana Filayaa Inuu Dhabadaa Kasii haya Siyaasada Gobolka.
………………………………………………………………………ALLAA MAHAD LEH………………………………………………………………………………

W/Qalinkii Qoraa:- C/laahi Nuur Janaale