Soo Laabashada Maxamed Biixi +Ololaha Musharixiinta Ee Hadda Bilaabmay;Daawo Khudbadiisa

Hargeisa(GNN):-Wasiirka wasaarada arimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.Wasiirka oo ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa soo dhaweyntiisa ka soo qeyb galay wasiiro , xildhibaano , masuuliyiin kale oo miisaan culus ku leh somaliland , madax dhaqameed , culimo aw diin , dhalinyaro Iyo haween waxaana ay halkaasi ku soo bandhigeen soo dhawen balaadhaan oo dhoola tus u muuqata.
Maxamed Biixi Yoonis wasiirka wasaarada arimaha dibada Somaliland oo warba
ahinta kula Hadley qolka VIP ee Madaarka Hargeysa ayaa ugu horeyn waxaa u ka warbixiyey safarkii uu madaxweynaha u raacay ee dalka Ireland waxaana uu sheegay in uu safarkaasi uu ahaa safar ay xukuumada somaliland ku rabtey in ay xidhiidh wanaagsan la yeelato dalka Ireland kuna soo dhaamadey jawi wanaagsan