Ururka HADAF oo Xalay Xaflad Qaadhan Uruurin ah Ku Qabtay Magaalada London Iyo Wefti Ka Socday Xukummada Kala Qaybgalay + SAWIRO.

London (GNN)- Waxa Xalay Magaalada London Gaar ahaan East London Ka Qabsoomtay Xaflad Balaadhan oo Ururka Horumarinta ee HADAF Soo Abaabulay, Iyado Xafladani ahayd Mid Qaadhan Loogu Uruurinayay Wadada Guban Iyo Xeeb ee Bariga Berbera Ila Raaribuul, Iyado Xafladani ahayd Mid Si heer Sare Loo soo Agaasimay aya waxa Ka soo Qaybgalay, Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji Xassan Iyo Wasiir Kuxigeenka Kaluumaysiga Somaliland Md Maxamed Haji Adan, Iyo Guddida Gacanta Ku Haysay Wadada Guban Iyo Iyo Xeeb oo ay Ka Mid ahaayen Hinda Jaamac Iyo Maxamed Xaaji Adan oo Xafladan Awgeed uga Yimi Carigi Somaliland.
Xafladan oo Jaaliyada Reer Somaliland si Weyn Iskugu soo Baxeen aya Iyana Waxa KA SOO Qaybgalay Jaaliyadaha Kala Duwan ee Dalka UK Iyo Masuuliyiinta Xisbiyada Qaranka Somaliland, Sida WADANI, UCID iyo KULMIYE, Iyana Waxa Ka Soo Xaadiray Xafladi Ururada Bulshada, Sida Ururada Haweenka Ururada Sportska, Ururada Waxbarashada Iyo Urur Kale oo Fara Badan oo Kala Yimi Magaaloyinka UK Iyo LOndon.
Xafladan oo ay Ujeedado ahayd Qaadhan Uruurin Lacag Loogu Uruurinayo Wadada Bariga Berbera, iyado Wadadani Tahay Wadada Ugu Daruufaha Adag Somaliland Iyado Bulshada Ku Dhaqan Degaanada Gubanko Si Dalka Intiisa Kale uga dmabeeyan aya waxa Ururka HADAF oo Ka Shaqeeya Horumarinta Degaanada Somaliland UGu Doorten Wadada Berbera Ila Raaribuul Sababa Ku Gedaaman Degaanadan Iyado Dadweynaha Ku Dhaqan Degaankaasi Degaanada Kale Ka Xidhanyahiin.
Xafladan Xalay Qabsoomtay aya Waxa Lagu Guulaystay In Xalay Lagu Tabaruuco Lacag Ka Badan $30.000 Dolllar Iyado Xukummadano Ballan Qaaday Inay INtaas in Leeg Ugu Deeqi Doonan Wadadaasi.
Xafladan aya Ku soo Dhamaatay Guul Weyn Iyado Ururka HADAF ee La Aasay 2 Sano Ka Hor Durba Noqday Urur Si Xawli ah Ugu Shaqeynaya Dadkiisa Gudaha Somaliland, Iyado La Filayo Ino Ururka Hadaf Mashariic Intan Ka Badan ay Ka Hawlgeli doonan Somaliland.

#

Log1