Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SECJA Oo Cambaareeyay Xadhiga Xukuumada Kulmiye Kula Kacday Suxufiyiin Ka Hawlgala Berbera.

Hargaysa (GNN)Ururka suxifiyiinta Somalialnd ee SECJA ayaa war saxaafadeed Uu kasoo saaray xafiiskiisa Berbera waxa uu Ku cambaareeyay xadhiga Labada Wariye e Axmed saciid Maxamed iyo Cabdiraxmaan maxamed Cige oo Maanta Booliisku xabsiga u taxaabeen, Labadn wariye oo ka kala hawlgala Tv ga Kalsan iyo Some News. Mudo Bil gadaheeda Waa markii Afraad e wariyaal Berbera ka hawlgala xabsiga Loo taaxaabo.

Ururka Suxifiyiinta Somaliland e SECJA waxay si Adag u cambaareenayaan xadhigaasi Lagula kacay suxifyiinta Madax banana ee Berbera ka hawlgala.

Sida la Ogyahayna gudoomiyaha maxkamada sare e Somaliland ayaa ka hadlay dhawaan in Suxifiyiinta Cidii Dacwad u qabtaa ay Kiiskooda ka Furaan maxkamadaha, waxaana cad in Booliiska Somaliland aanu taa dhag jalaq u siin, dabacana xadhiga wariyaayshan maanta waxa ka hadlay mar BBC du waraysatay Gudoomiyaha maxkamada Gobolka saaxil oo Ku Tilmaamay Mid sharciga Baal marsan Uguna baaqay Xukuumada iyo Booliiskanba in Xoriyadooda Loosoo celiyo wariyaayshaa.

Qoraalkan Waxaa Ku Saxeexnaa Gudoomiyaha Ururka suxifiyiinta Somalaia;lnd e SECJA Yassin jama ali iyo Gudoomiye Ku Xigeenkiisa Axmed Muuse Sakaaro

GABILEY.NET
GABILEY OFFICE