War Deg Deg Ah:- Ciidanka Amaanka Oo Xoog Ku Kala Kaxeeyey Dhalinyaro Buuq Ka Samaysay Dibada Garoonka Ciyaaraha Ee Boorama Iyo Wiil Ku Geeriyooday.

Boorame(GNN):- xarunta gobolka Awdal ee Boorama ayaa waxay maanta ciyaar aad u xiiso badani ku dhex martay gobolada Gabilay iyo Salal.

Ka dib markii ay ciyaartu dhamaatay ayaa dibada garoonka waxa buuq ka sameeyey qaar ka mid ah dhalinyarada magaalada, taas oo keentay inay ciidamada amaanku xoog u adeegsadaan si ay u kala kaxeeyaan.

Sida uu sheegayo wariyaha Gabileynew ee magaalada Boorama Geedi Cumar, ciidanka ayaa rasaas u adeegsaday ka kaxaynta dhalinyarada buuqa samaynayey taas oo keentay inuu geeriyoodo mid ka mid ah dhalinyaradaasi.

maydka kayar

Jawiga magaalada ayuu wariyuhu soo sheegayaa inay dagan tahay iyada oo ciidamada amaanku ay si weyn u ilaalinayaan amaanka guud ee magaalada, iyada oo ciyaartii dhex maraysay gobolada Gabilay iyo Salal-na ay ku soo dhamaatay bar bar dhac goolal la,aan ah.

 

GABILEY.NET

GABILEY BORAMA OFFICE