War Deg Deg Ah:-Wasiirka Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare Ee Somaliland Oo Ku Dhawaaqay Inuu Is Casilay

Hargeysa(GNN):-Wasiirka wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sar ee Somaliland prof Faarax Cilmi Maxamuud Geedoole ayaa goor dhawayd ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayey xukuumada Madaxweyne Siilaanyo.

Wasiirka waxbarashada oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in culays kaga yimid musharaxnimada madaxweyne ku xigeen ee uu u sharaxan yahay darteed uu kaga tagayo xilka wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare.

Wasiir Geedoole ayaa ka mid ahaa wasiiro ilaa shalay la hadal hayey inay ka tagayaan xilka ay hayaan, balse goor dhawayd ayuu si rasmi ah u shaaciyey.

Kala Soco Wixii Warar Ah Ee Soo Kordha Gabiley.net