War Saxaafadeed ” Ma Jirto Guddi qabanqaabo Oo Madaxweyne Siilaanyo Uu magacaabay shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE.” Xoghaye Xasan Saciid.

REF: XK/XGX/0042149/2015 Date:21/10/2015

Ujeedo: Beenin War

Hargeisa (GNN) Warka lagu baahiyey shabakadaha interneta qaarkood ee lagu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu guddi qabanqaabo u magacaabay shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, waa mid aan sal iyo raadtoona lahayn oo laga been abuuray Madaxweynaha Qaranka, isla markaana lagu doonayo in lagu khalkhalgeliyo habsami u socodka hawlaha diyaargarowga shirka.

Shuruucda iyo qawaaniinta u taal xisbiga KULMIYE ma bannaynayaan in guddi qabanqaabo loo sameeyo qabsoomidda shirka golaha dhexe ee xisbiga.

Hawlaha qabanqaabada shirka Golaha Dhexe oo uu masuul ka yahay Xoghayaha guud ee xisbigu waxay u socdaan si habsami ah, iyadoo maalintii shanaad ay socoto diiwaangelinta iyo samaynta kaadhadhka aqoonsiga xubnaha Golaha Dhexe ee ka qaybgali doona shirka 10-ka November 2015, ilaa haddana la ay is diiwaangeliyeen inta badan xildhibaannada golaha dhexe.

Sidaa daraadeed, waxaannu uga digaynaa dadka baahinaya wararka been abuurka ah ama tuhumada ay saxaafadu qabto in ay ka waantoobaan.

ALLA MAHAD LEH.

Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE

XASAN SICIID YUUSUF