Ciyaartii Maanta Gobolada Awdal Iyo M/jeex Oo Daqiiqadihii Danbe Loo Joojiyey Rabshado Keenay Dhimashada Hal Qof Iyo Dhaawac

Borama(GNN):-xarunta gobolka Awdal ee Boorama ayaa waxa haatan ka socda rabshado ka dhashay ciyaar aad u kululayd oo dhex maraysay gobolada Awdal Iyo Maroodi Jeex.

Sida uu soo sheegayo wariyaha Gabiley News Network ee magaalada Boorama Jaamac Husen jaamac rabshadahan ayaa dhashay qaybtii labaad ee ciyaarta iyada oo xulka gobolka Maroodi Jeex ay ciyaarta ku hogaaminayaan hal gool, iyada oo rabshahadaasina yimaadeen ka dib markii garsoorihii ciyaarta dhex dhexaadinayey uu laad rikoodhe ah u qabtay xulka gobolka Awdal taas oo ay ka biyo diideen ciyaaryahanada xulka gobolka Maroodi Jeex.

Rabshadahan ayaa la xaqiijiyey inuu ku geeriyooday hal qof isla markaana uu dhaawacmay hal qof, iyada goor dhaw la rajayno in la ogaado khasaaraha ka dhashay intuu leeg yahay.

Sidoo kale waxa guud ahaanba la joojiyey ciyaartii dhex maraysay gobolada Awdal Iyo Maroodi Jeex, iyada oo la rajaynayo inay xidhiidhka kubada cagtuna ay go,aanka gaadhaan ciyaartaas aan wakhtigeedii dhamaan ee la joojiyey

Ciidamada amaanka ayaa la soo sheegayaa inay ku hawlan yihiin sugida amniga magaalada Boorama, isla markaana ka hor tagaya inay rabshaduhu sii daba dheeraadan.