Wasaarada Waxbarshada Oo Ku Guul-daraysatay Wax Ka Qabashada Dugsiyada Hoose/Dhexe Ee Dawliga Ah Ee Hargeysa, Oo Ardaydii Lacag Ku Soo Rogay

Hargeisa-(GNN)- Maamulayaasha Iyo Macallimiinta dugsiyada hoose dhexe ee dawliga ah ee caasimadda Somaliland, ee Hargeysa, ayaa dib u bilaabay lacagtii bil walba hore looga qaadi jiray ardayda, arrintaas oo meesha ka saaraysa waxba kama jiraana ka dhiggaysa go;aankii ay xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo, hore u sheegtay in ay lacag la’aan bilaash ah ka dhigtay waxbarashadda dugsiyadda Hoose/dhexe ee dawliga ah

waxbarsho

Waalidiinta ardayda dhigata dugsiyada hoose dhexe, ee magaalada Hargeysa, ayaa walaac weyn oo cabasho ah ka muujiyay arrintan, iyaga oo sheegay in talaabadan dib u soo cusboonaatay ay lafo jab ku tahay siyaasadii waxqabadka waxbarashada ee ay Xukuumadu ku faanaysay in waxbarashadii dugsiyada hoose dhexe ay bilaash ka dhiggtay, in maamulka iyo macallimiinta dugsiyada hoose dhexe ay arday walba ku rogeen in uu bixiyo lacagtii billaha ahayd oo ay dhan Shan Iyo Toban Kun oo Shillin.

”Lacagtii la yidhi xukuumadu way daysay oo bilaash bay ka dhigtay dugsiyadii hoose dhexe, way beenowday, oo tan iyo intii ay xukuumadu ku dhawaaqday in waxbarashadii dugsiyadaa ay bilaash ka dhigtay dhowr bilood oo kaliya ayuun baan ardayda waxlacag ah laga qaadin, laakiin dhowrkaa bilood kaddib, ayay hadana dib u bilaabeen maamulayaasha iyo macallimiinta dugsiyadaasi in ay ardayda ka qaadaan bil walba Toban Kun oo shilin, arrintaasi muddo dheer ayay sidaa ahayd oo ay soo socotay, Laakiin waxa xusid mudan, oo wax lala yaabo ah in bishan ay maamulayaasha iyo macalimiinta dugsiyadaasi ay hadana si toos ah u soo amreen ardaydii in ay keenaan Shan Iyo Toban Kun Oo shillin, taasina waxay ceeb ku tahay xukuumadii ku faanaysay in waxqabadyadeeda ugu waaweyn ay ka mid tahay in waxbarashadii dugsiyada hoose dhexe ee dalka oo bilaash laga dhigay oo la joojiyay lacagihii laga qaadi jiray ardayda, aniga Afar carruur ah oo aan dhalay ayaa dhigta dugsiyada hoose dhexe sidaa daradeed, xukuumadu si cad ha u kala cadayso in ay dib u soo celisay lacagtaa oo ay ku raacsan tahay maamulayaasha iyo macallimiinta, hadii aanay ku raacsanayna waa in ay si degdeg ah wax uga qabataa fadeexadan dib u soo cusboonaatay” sidaa waxa yidhi Cabdiqaadir Xasan Aw Faarax (Dhacar), oo ka mid ah waalidiinta ay carruurtiisu wax ka barato dugsiyada hoose dhexe ee dawliga ah ee ku yaalla magaalada Hargeysa.

Dhinaca kale, waxa ay waalaidiintu ka dhawaajiyeen qodob kale, oo ay xuseen in uu ceeb ku yahay Wasaarada Waxbarashada Somaliland, kaas oo ah in waxbarashada dugsiyada laga caydhiyo ardayda aan bixin lacagtaa qeyrul sharciga ah, waxaanay maamulayaasha iyo macallimiinta dugsiyada dhexe ay ku cawdaan in sababaha ay ardayda uga qaadayaan lacagtan sharci daradda ahi ay tahay waa sida ay hadalka u dhiggeene, in mushaharka ay macalimiintu ka qaataan dawlada uu yahay mid aad u yar oo aan ku filayn baahiyihahooda nololeed, taasina ay tahay ta ku keliftay qaadashada lacagtan qeyrul sharciga ah.

Illaa iyo hada weli ma cada in in soo celinta lacagtani ay tahay mid si toos ah oo rasmi ah uga soo baxday Wasaaradda Waxbarashada iyo in kale, Balse, mar aanu isku daynay in aanu la xidhiidhno Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland, si aanu wax uga weydiino arrintan, ayaanay noo suurtagelin, Telefoonkiisa gacanta oo dansanaa awgeed, Sidoo kale, masuuliyiin sare oo haya xilal kala duwan oo ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada oo aanu xidhiidho kala duwan la samaynay ayaa ka gaabsaday in ay wax tafaasiil ah ka bixiyaan arrintan,

 

Gabiley.Net

Gabiley Office