Wasiir Biixi Iyo Kooxdiisa Oo Quus Ka Jooga Tageerada Golaha Dhexe iyo dagaal gacan kahadal oo dhexmaray laba masuul oo kamid ah

Hargeysa (GNN) Xubnaha Isbahaysiga la ah wasirka Arimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi ayaa Xalay Gacmaha Iskula Tagay Markii ay Faro Madhan Ka Joogsadeen Xubnaha Golaah dhexe ee Kulmiye oo Iskugu Biyo Shubta Gudoomiyaha Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Xili aya Ku Sugnaayeen Hotel Maansoor ee Magalada Hargeysa.

biixi
Xubnaha Gacmaha isa saaray ayaa kala ah Wasiir Ku Xigeenka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Cabdi Waaxid Cabdi Qaadir iyo Agasimaha Maamulka Lacagta ee Komishanka Ladagalanka AIDSKA Cabdi Kariim Xinif
Labadan Masuul ayaa hadalku ka taagtagmay markii uu Cabdikariim Xinif waydiyaay Cabdiwaaxil Halka ay Mareen Xubniihii Beelaha Harti ee Kulmiye “ War meeye Xubnihii Harti eed lahad Waan Hayaay Saw kuwaa Muuse U tagay “ Cabdikariim Xinif
Kadib Markii uu ahdalkasi ka soo yeedhay Xinif ayuu Cabdi Waxiid Ka Cadhooday Feedhna Ku Weeraray Xinif Kadib Waa lagu kala guntaday gacanka hadalkaa dhex maray labada Xubnood
Waxa isaguna goobta joogay Wasirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Cabdi Aw Daahir oo ka Cadhooday Halka ay Mareen Xubnihii Golaha Dhexe ee Beelaha Harti ee ay Qudaraynayeen
Qof Gob Jooga ah oo la hadalay Warbaahinta Gabiley.net ayaa u sheegay in markii la kala qabtay xubnaha , uu Cabdi Kariim Xinif Telfoon kula Hadaly Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland oo la socda waftiga Madaxweynaha ee ku sugan dalka irland una sheegay inay faro madhan ka taagayihiin xubnihii golaha dhexe ee ay ku hanweynaayeen inay iyaga taabacsanyihiin quusna ka joogan inay ku gulaystaan Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye .
Isku soo wada duubo garabada ayaa kala hogaaminayaan Sheekh Cabdi Casiiis Samale iyo Wasiir Bixii  ayaa Hada u Muuqda Kuwo Fara Madhan Ka Jooga Inay helaan Tageerayaal Golaha Dhexe ah Ka dib Markii ay Iskugu Biyo Shubteen Badiba Golihii Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Inay tageeradoda u muujyeen Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi .

GABILEY.NET
GABILEY OFFICE