Wasiirka Maaliyada Oo Faah Faahin Ka Bixisay Qaylo Dhaan Biyo La,aaneed Oo ka Soo Yeedhay Degmada Balli Cabane Iyo Gar Gaar Ay Gaadhsiiyeen.

Hargeisa(GNN):-Wasiirka wasaarada maaliyada somaliland Marwo Sam Sam Cabdi Aadan ayaa ka war bixisay qaylo dhaan biyo la,aaneed oo ka soo yeedhay degmada Bali Cabane ee gobolka Hawd.

Wasiirka maaliyada somaliland  oo la hadlaysay warbaahinta ayaa waxay sheegtay inay deg deg uga jawaabayaan qaylo dhaantaas isla markaana ay booyado biyo ah gaadhsiinayaan dadka ay biyo la,aantu ku dhufatay.

Wasiirka maaliyada oo ugu horayn ka hadlaysa amarkii madaxweynaha ee dhinaca abaaraha ayaa waxay tidhi “Madaxweynuhu waxa uu amar ku bixiyey in marka meel haraad laga soo sheego somaliland ah markiiiba loog jawaabo deg deg inta ay isku imanayaan guddida abaaruhu, in wasaarada maaliyadu marka ugu horaysay ay biyo  la gaadho dadkaas dhimanaya.”

Sidoo kale wasiirka maaliyada somaliland waxay sheegtay  inay si



deg deg ah biyo ula gaadhayan degmada Bali Cabane waxanay tidhi “Xalay waxa laga soo sheegay haraad badan Bali Cabane, saaka ayaanu booyado u diraynaa iyada oo ay baxayaan shan booyadood, iyada oo jiidaas oo dhan wixii haraad iyo biyo la,aani ka jirto waa in deg deg biyo loo gaadhsiiyo inta kalana waa in warbixin laga keeno.”
Sidoo kale waxay ka warantay deegaano kale oo biyo la,aani ka jirto kuwaas oo ay qorshaynayaan inay gaadhsiiyaan biyo waxaanay mar kale tidhi “Waddo Makaahiil oo kale oo iyada riigii madaxweynuhu u qoday barigii dhawayd uu shalay ka jabay, iyadana laba booyadood ayaa loo diray, ilaa dhawr iyo toban booyadood  oo kale ayaa is daba socda marka ay soo sheegaan meelaha ay biyo la,aanta badani ka jirto  deg deg ayaa loogu dirayaa dabadeedna wixii ka danbeeya la eego wixii ka danbeeya sida ay xaaladu noqoto.”