Wasiirka Wasaarada Warshadaha Somaliland oo Hadhimo Sharafeed Lagu Maamuusayey Xulalka Kubadaha Cagta Iyo Kollayga ee Gabiley Ugu Qabtay Magaalada

Gbiley(GNN)-Wasiirka wasaarada warshadaha Somali land shucayb maxamed muuse ayaa hadhimo sharafeed Lagu Maamuusayo Xulka Gabiley U Sameeyey Xulalka Kubadaha Cagta iyo Kollayga ee Gobolka Gabiley Ka dib markii ay ka soo gudbeen Tartankii Is Reeb-Reebka Kooxaha Gobollada Somaliland kuwaas oo isku diyaarinaya Inay ka qayb-galaan Tartanka Sideeda Kooxood eek u wada Ciyaari doona Magaalada Hargaysa ee Xarunta Somaliland.

DSC01390

Munaasibadani Qado-sharafta Ahayd oo lagu qabtay Hoolka Shirarka ee Bookh ee Magaalada Gabiley ayaa waxa kala qayb-galay Wasiirka Maayarka Magaalada Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi, iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka Gabiley Siyaasiyiin iyo Mas’uuliyiin kale.

DSC01350
Wasiirka Wasaarada Warshadaha Somaliland Shucayb Maxamed Muuse oo Munasibadanika hadlay ayaa si wayn ugu dhiiri-galiyey Ciyaar Tooyada Xulka Gobolka Gabiley Waxanu Sheegay in Garab Taagnaan Doono si intay Ku Jiraan Tartankani Ciyaraha ee Gobolada Somaliland Waxanu Hoosta Ka Xariiqay Hadaan Xulka Gobolka Gabiley Hadaanu La Dadaalin Mayarka Gabiley Runtii Maydaan Soo Gaadheen Heerkaasi Manta Aad Gaadhsiisan Tihiin,Ayuu Yidhi Wasiir Shucayb

Sidoo Kale Wasiirku isagoo Hadalkiisa Siiwata Waxa uu Mahad Naq Balaadhan u Soo Jeediyay tobobaraha Xulka Gobolka Gabiley Cabdi Cumar Awga oo uu Ku Sheegay inuu yhay Macalin Khibrad Fiican u leh Tartan Kani Ciyaaraha Gobolada Somaliland.

DSC01395

DSC01352

Mayaraka Gabiley M/Amiin Cumar Cabdi oo Isaguna Ka Hadlay Munaasibadani Ayaa Sheegay inuu aad ugu Mahad Celinaayo Wasiirka Warshadaha Somaliland Shucayb Maxamed Muuse sidoo Kalena uu mahad Celinaayo Suldaan ibraahi Jaamc Samatar oo isaguna Casho Sharafeed Ku Maamuusay Xulka Gobolka Gabiley iyo Agaasimaha Cisbitaalka Wayn ee Gabiley DR Ridwaan Maxamed Cali iyo Waliba Hooyo Caasha Muuse (Caasha Baar) oo Cashooyin iyo Qadooyin Kala Duwan u Sameeyay Xulka Gabiley.

DSC01378

DSC01360

Siyaasi Aadan Maxamed Xaaji oo kamida Siyaasiyiinta Gobolka Gabiley oo isaguna Ka Hadlay Munaasibadani ayaa aad ugu mahad Celiyay Wasiirka Warshadaha Somalilnd Shucayb Maxamed Muuse sidoo kalena u Duceeyay Xulka Gobolka Gabiley

DSC01370

Xildhibaan C/casiis C/laahi Ismaaciil oo Kamida Golaha Deegaanka Gabiley Ayaa Isaguna Aad Ugu Mahad Celiyay Wasiirka Warshadaha Somalilanad Qodo Sharaftani uu Ku Maamuusay Ciyaartooyada Xulka Gabiley Waxanu Sheegay inuu Yahay Wasiirkii ugu Horeeyay Ee Hadhimo Sharafeed Ku Maamusa Xulka Gabiley.

C/rasaaq Axmed Hayaan ilkacase

GABILEY.NET

GABILEY OFFICE