Weerar Cad Oo Lagu Soo Qaaday Beeralayda Somaliland Iyo Wasaarada Beeraha Oo Aan Wali Dhugan.

Hargeysa (GNN):-Dalka Somaliland ayaa waxa uu u ku faani jiray in ay laf dhabar u tahay Xoolaha Nool Iyo waxsoosaarka Beeraha. waxaa jiri weerar aan geed loogu soo gaban oo ay haayadaha kasheqeeya beeru ay ku soo qaadeen wax-soosaarka beeraha somalinad Khabiir ku takhasusay Dhinaca Beeraha oo ka cudur daartay in magiciisa la xuso Ayaa Shabakada Warar Gabiley News Network uga waramay curyaaminta lagu Hayo Beeraha somaliland waxaanu sheegay in ay curyaamintan ugu wayn ay tahay Siidh badal lagu samaynayo wadanka oo siidhkii hore ee la beerannjiray lagaga dabar jaro dalka.waxaana taa badalkeedu noqday in dalka loo soo waarido siidh macmal ah oo halmar waxkabadan aan la beeran karin (one time) waxaanu khabiirku sheegay in wax yaabaha hadda lagu guulaystay ee la baadalay ay ka midyihiin Xabxabka ,tamaandhada iyo Hadhuudhkii la odhan jiray Cilmi Jaamac sidoo kale waxa uu haayadaha ku tilmaamay in ay yihiin siyaasad utaala wadamada reer galbeedka oo lagu dabar jarayo afrikaanka waxmagaratada ah dhinaca kale waxaanu la xidhiidhnay dadka iyagu ka ganacsada Siidhkan one time-ka ah ee uu khabiirku sheegay waxaananu way diinay sida ay u arkaan arintan maxamed aw cumar “Huuno” oo kamida ganacsaatada siidhka ayaa yidhi”horta arintani way jirtaa oo anagaba cabasho ayaa nagaga soo noqotay dhinaca beeralayda waayo dadbaa is yidhi marlabaad beera ,oo ku khasaaray markaa waxaanu la xidhiidhnay mid kamida shirkadaha aanu wax kasoo iibasano oo ku taala china waxaanay nagu qanciyeen in ay a rintan uga jeedaan uun in mar walaba loo baahdo si uu ganacsigoodu u u horu maro,beeraley
Marka Laga Hadlayo Dhinaca Waxsoosaarka Iyo Dalaga Dalkan Somaliland Waxaa Uu Tilmaan u Ahaa Meelaha Qaniga Ku Ah Waxsoosaarka Dhinaca Dhulka Geeska Africa Iyo Ay Badiyaaba Hodan Ku Ahaayeen Dalagyada Hadhuudhka Iyo galayda Gobolada Galbeedka ee Somaliland, Deegaano Kala Duwan oo Aanu la Xidhiidhnay Dadka Iyagu Waxbeerista ka manaafacaadsan jiray isla markaan aan u baahan jirin wax uga yimaada dalalka dibada ayaa arrintan walaac xoogan ka muujiyey,
Waxaana ay Wasaarada Hawshan Ku Shaqada Lahayd Ku Canaanteen In aaney dhaadaneyn bulshadan lagaga duulayo quutal daruurigii ay ku noolaayeen iyagoo usoo jeediyey in wasaarada beeruhu arrintan kasoo saarto go’aamo lagaga hortagayo,
Tobankii Sano Ee U danbeeyey Dalkan somaliland waxaa la dareemayey in hoose u dhacweyni ku yimid dhinacii waxsoosaarka iyadoo sababta ugu weyna tahay dhibaatadan soofoodsaartay dadkii Beeraleyda ahaa.
Inkasta Oo Wasaarada Beeraha Somaliland aanu Xidhiidh Toosa la sameynay wax tafaasiila wali kama aaney soo bixin.

Gabiley News Network
Hargeisa Somaliland
Office