Xaaladda Gobalka Awdal Iyo Talooyin Ay Soo Jeediyeen

Boorama (GNN): Madaxdhaqameed, Ganacsatada iyo Culimada Gobolka Awdal ayaa baaq ka soo saaray xaaladda Magaalada Boorama oo maalmihii u dambeeyey ay rabshado ku soo noq-noqdeen.
Shir ay isugu yimaadeen salaadiinta, cuqaasha, ganacsatada, culimada iyo waxgaradka kale ee gobolka Awdal ayaa lagu cambaareeyey falkii dabka lagu qabad siiyey guriga Taliyaha Booliska Boorama oo shalay aroortii lagu gubay magaalo madaxda gobolkaasi.

unnamed-27Xubnihii shirkan jaraa’id ka soo qaybgalay aya sidoo kale Xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay soo qabqabato raggii ka dambeeyey dilka laba wiil oo ku dhintay garoonka Xaaji Daahir Stadium oo ay ka socdaan ciyaaraha Gobolada Somaliland.
Ugu horayn waxgaradkan ayaa xukuumadda ka codsaday in gacanta lagu soo dhigo Askartii dilka u gaysatay labadaasi wiil, waxaana hadaladoodii ka mid ahaa

“Xukuumadda waxaan ka codsanayaa raggaa badheedhka wax ulaayay, waxaa la inaga doonayaa inaad sharciga hor keentaan. waxan kaloo Xukuumadda leenahay qaabka ay ciidamadu wax u wadaan dib ha loogu noqdo, waxaan kaloo halkan ka cambaaraynaynaa falkii magaalada ka dhacay ee aqalka lagu gubay aad iyo aad ayaanu u cambaaraynaynaa, shay ugub ah weeye aad baanu uga xunahay waxaanu leenahay cid kasta oo garanaysa cidii falkaas gaysatay nabadgalyada gacanta ha u soo galiso”
Sidoo kale Waxgaradka Gobolka Awdal ayaa dhacdadii lagu gubay guriga Taliyaha waxay ku tilmaameen mid ku cusub dhaqanka umadda, waxaanay ku baaqeen in degdeg loo soo qabto cidii falkasi ka dambaysay, iyagoo arrimahaasi ka hadlayana waxay yidhaahdeen “waxaanu xukuumadda kala hadalnay inay raggii falalkaas gaystay (Askartii dilka gaystay) ay gacanta ku soo dhigto oo la soo xidho si ay dadkii dadku ka dhinteen ugu qaboobaan xukuumadda waanu isla qaadanay waananu ka rajaynayaa inay soo qabtaan raggaas. Waxaanu dadwaynaha u sheegaynaa in nabadgelyada la sugo in nabadgalyada la ilaashado, waxaa maanta dhacday (shalay) iyadoo maydkii inoo yaalo oo hawshiisii lagu jiro fal aan cado ka ahayn halkan dhaqanna ka ahayn waxaa dhacday in la gubay gurigii taliyaha qaybta Booliska, dhaqan ay naqaanay maaha falkaas iyo cidii gaysatayna waanu cambaaraynaynaa, waxaana aanu leenahay falalka noocaas ah waa in la joojiyo dadkii ka dambeeyeyna waa in la soo qabqabto. Waxaanu u sheegaynaa dadwaynaha waalidiinta, dhallinyarada, hooyooyinka in nabadgelyada la ilaaliyo, hawlahan maalmahan dambe magaalada laga waday waxaynu dhaqan u lahayn maaha haweenbaa jira soo baxay oo weer madaxa ku xidhanaysa oo suuqa mareeysanaysa oo dhallinyaradii soo kicinaysa waxaasina waxaynu naqaanay maaha waxaynu dhaqan uleenahay maaha, wixii dhaca odayaal baynu leenahay Cuilmo ayaynu leenahay, dhaqanbaynu leenahay waa laga hadli laakiin maaha in dumarku suuqa u soo baxo markaa waxaanu leenahay dadwaynaha nabagelyada hala ilaaliyo, waxa keenaya in maalina walba qof dhinto hala joojiyo”.
Ugu dambayn Odayaasha iyo waxgaradka Boorama ayaa sheegay inay samaynayaan Guddi wacyigalineed oo bulshada la hadasha si looga hortago arrimaha keenaya xasilooni darrada.

 

Gabiley.net

Borama Office