Xisbiga Kulmiye Laanta Sweden Oo Xilal Cusub Magacaabay

XISBIGA KULMIYE LAANTA SWEDEN

UJEEDO: MAGACAABIS XIL:

Gudoomiyaha xusbiga Kulmiye ee laanta Sweden mudane Fuad Kaamil Ciise, markuu

arkay taageerayaashi iyo laamihii xusbiga Kulmiye ee dalka Sweden oo maalinba

maalinta ka danbaysa sii kordhaaya. Markuu wadatashi balaadhan la sameeyey

xubnaha gudiga guud ee xusbiga. Waxa laysla qaatay in la kordhiyo xubnaha gudiga

guud ee xusbiga Kulmiye ee laanta Sweden, si hawsha xusbiga ee sii balaadhanysa loo

qabyo tiro.

Sidaas daraadeed gudoomiyaha xusbiga Kulmiye Laantiisa Sweden mudane Fuad

Kaamil Ciise, waxa uu go,aansaday in mudane Abdirasaaq H. Siciid laga bilaabo

maanta oo ay taariikhdu
tahay 10 oktoober 2015, ahaado gudoomiye xigeenka labaad ee

xusbiga Kulmiye laantiisa Sweden.

ALLAA MAHADA LEH

HA NOOLAATO SOMALILAND

Ibrahim Ali Adan

Xoghayaha guud ee xusbiga Kulmiye laantiisa Sweden

 

GABILEY.NET
GABILEY OFFICE