Xulalka Gobolada Maroodi Jeex Iyo Xaysimo Oo Guulo Muhiim Ah Gaadhay Iyo Buuhoodle iyo Badhan Oo Guul Darooyin Loo Xanbaariyey

Hargeysa(GNN):-Tartanka ciyaaraha gobolada somaliland ayaa maanta galay maalintiisi labaad, kaas oo ay gobolo aad u adagi isku haleen magaalooyinka Boorama iyo Burco

Xarunta gobolka Awdal ee Boorama ayaa waxay ciyaar xiiso badani ku dhex martay gobolada Maroodi Jeex iyo Buuhoodle, ciyaartaas oo ahayd mid aad u xiiso badan ayaa waxay guushu raacday xulka gobolka Maroodi jeex oo keensaday 3 gool, halka xulka gobolka Buuhoodle keensaday 2 gool.

Sidoo kale xarunta gobolak Togdheer ee Burco ayaa waxay ciyaar xiiso badani dhex martay gobolada Xaysimo iyo Badhan, kuwaas oo soo bandhigay ciyaar farsamadeedu sarayso, waxaanay guushu ay raacday xulka gobolka Xaysimo oo keensaday 2 gool, halka gobolka Badhan aanu keensan wax goolal ah.

Ciyaaraha gobolada ayaa haatan maraya wareegii koowaad ee is reeb reebka, iyaga oo si habsami ah uga socda magaaloyinka Boorama iyo Burco, waxaana la filaya inay maalinta bari ahni dhici doonaan ciyaaro kale oo xiiso badan.

 

 

GABILEY.NET

GABILEY OFFICE