Arday reer Denmark ah oo Uu Dareeray Shaqo Tabarrucaad ah oo Lagu Taageerayo Waxbarashada Somaliland

Copenhagen (GNN)-Shaqooyin kala duwan oo Ardayda Jaamacadda Denmarka shalay u dhaqaaqeen qabashadooda, kana mid yihiin hawlaha nadiifinta, ayaa la sheegay inay ka soo xeroon doonaan dhaqaale lagu qiyaasay illa shan Milyan Lacagta dalkaas.

Lacagta ka soo xeroota tabarrucaadka Ardaydani qabtaan, ayaa la sheegay in lagu caawin doono Hay’adda SOS oo mashaariic Waxbarashada Carruurta ka wada Somaliland. Ardayda hawlaha taburrucaadka ah shalay u dareeray, ayaa la sheegay in mid walba heli doono kharash lagu qiyaasay illaa 300 kroner, iyagoo ka kala hawlgeli doona Shirkadaha dawlada iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Dhaqaalaha hawsha maalinta tabarrucaadka ka soo xeroota, ayaa la sheegay inay wax ka tari doonto hagaajinta xaaladaha waxbarasho ee Arday lagu qiyaasay 15,000 oo wax ka barta Dugsiyada sare ee Somaliland.

 

Log1