Ciidanka Booliska Somaliland Oo u Dabaal Degay Sannad Guuradii 22-aad Ee Aasaaskooda +Sawiro

Hargeisa(GNN):-Magaalada Hargeysa , waxaa maanta lagu qabtay munaasabad ballaadhan oo lagu xusaayay sanadguurada 22aad ee maalinta aasaaska ciidanka Booliiska somaliland oo ku beegneyd 3 November 1993 . xafladda oo lagu qabtay xarunta taliska guud ee ciidanka Booliska somaliland waxaa lagu soo bandhigay sanadkan noocyo iyo xirfadaha kala duwan ee Boolisku u adeegsadaan shaqadooda iyadoo madaxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyona uu hambalyo u diray
Boliiska iyo qoysaskooda. Siilaanyo ayaa ammananay hawsha ay qaranka u hayaan ciiadanka Booliska isagoo caddeeyay in ciddii loo arko in ay ammaanka wax u dhimayso garan bir lagu qaban doono.