Daawo Muuqaal:-Is Bar Bar Dhiga Qaabkii Uu Cali Guray U Dhaliili Jiray Wasiirkii Madaxtooyada Iyo Maanta Oo Uu Ku Sheegay Masuul Aan Booskiisa la Buuxin Karin

Hargeysa(GNN):-Gudoomiye ku xigeenka 3aad ee xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Cali Maxamed Yuusuf ayaa shaaca ka qaaday inaan masuuliiyiinta ka ag dhaw madaxweyne Siilaanyo ee ku sugan madaxtooyadu aanay buuxin karin kaalintii uu baneeyey wasiirkii hore ee madaxtooyadu Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Gudoomiye ku xigeenka 3aad ee xisbiga Ucid Cali Maxamed Yuusuf(Cali Guray) ayaa caan ku ahaa dhaleecaynta iyo dhaliilida siyaasada iyo hawlaha uu qaranka u hayey wasiirkii hore ee madaxtooyadu, balse waxa uu haatan bilaabay inuu amaan balaadhan dul huwiyo wasiirkii hore ee madaxtoyada ee uu shalay u dhaliilayey sida ka baxsanayd milgaha masuuliyada.

Gudoomiye Cali Guray oo maanta shir jaraa,id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa si weyn u amaanay hawlihii qaranka uu u hayey wasiirkii hore

Muqaalkan Kaga Bogo Sidii Uu Cali Guray U Dhaliili Jiray Wasiirka Madaxtooyada
Muqaalkan Kaga Bogo Sidii Uu Cali Guray U Dhaliili Jiray Wasiirka Madaxtooyada

 

Muuqaalkan Kaga Bogo Sidii Uu Cali Guray U Amaanay Wasiirkii Hore Ee Madaxtooyada Markii Xilka Ka Tagay

 

GABILEY.NET

GABILEY OFFICE