Garyaqaan Barkhad Jaamac Xirsi Oo Si Wadaniyaddi Ku Dheehan Tahay Uga Hadlay Muwaadin Maydkiisa Laga Helay Magaalada Hargaysa

Hargeysa(GNN):-Hal-door Barkhad Jaamac Xirsi Batuun, oo ka mid ah mas’uuliyiinta xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa si Wadaniyaddi ku jirto oo qiiro leh uga hadlay Nin maydkiisa laga helay shaaraca magaaladda Hargaysa, waxaannu Xukuumadda taladda haysa iyo Xisbiyadda mucaaridka Somaliland u soo jeediyay inay hoos u eeggaan shacabkoodda itaalka daran.

Hal-door Barkhad Jamac, ayaa hadalkan ka sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyey boggiisa uu ku leeyahay Internet-ka ee degalka Facebook-ga, waxaannu qoraalkaas oo dhammaystirani uu u dhignaa sidan

“Qolooyinka Mucaaridka ah kursigu maaha magac iyo maal ee waa masuuliyad adag oo la rabo in aad shaqaale shicib ku noqoto, Marxuumkan magaciisa iyo muuqiisa midna garan maayo laakiin saaka ayaa maydkiisa lagu arkay suuqa dhexe magaalada Hargeysa, cida uu Alle uu waydiinnaayo waa kuwa ummadda ugu dhaartey kitaabka Alle ee masuuliyadda muwaadiniinta qaaday Allow muu cumar binu khadaab noolaado in qof islaam ahi diif iyo daranyo ugu dhinto shaaricyada suuqa,waxaannay tani daliil u tahay fashilka dawladnimo ee dalkeena. waxaan kula talinayaa kuwa mucaaridka ah ee aan ku jiro iney shaqo shicib u diyaar garoobeen laakin aaney niyada ku hayn markayga maalka maatida aan cuno. Allow dawlad dadkeeda daryeesha oo danta guud iyo danyarta u adeegta oo kheyr qabta na sii.”.Ayuu Haldoor Barkhad ku yidhi boggiisa Face-buugga.

 

GABILEY.NET

GABILEY OFFICE