Guddida Doorashooyinka Oo La Kulmay Gudida Joogta ah ee Guurtida Iyo Nuxurka Waxyaabaha ay ka wada hadleen

Hargeisa(GNN):-Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta kulan la yeeshay guddida joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland.

Guddoomiyaha gudida doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo la hadlayay warbaahinta ayaa yidhi “Maanta waxaanu idinku wargalinaynaa inaad geed kasta iyo guri kasta gaadhsiisaan inaanay dhacayn diwaangalin laba goor la galo.

Sababta aanay u dhacayni waxa weeye qalabka oo mid bu’da isha ayuu sawirayaa iyo wajiga oo labadaas arrimood ayaa is barbar yaala.

Bu’da isha markuu sawiro, ka soo qaad milyan iyo laba boqol oo qof inaynu ugu talo galay diwaangalinta, waa laba milyan iyo afar boqol oo indhood, markaa qalabkani muddo aan ka badnayn 5 seken ayuu ku eegayaa intaas oo indhood oo haddii ishaadu la mid noqoto uu sheegayaa halkii uu qofkaasi iska diwaangaliyay,”