Guddida Hiliblaha Hargeysa Oo Sheegay Inaan Waxba Laga Qaban Khilaafkii Shaqo Joojinta Gaadhay Ee NAFAQO Iyo MAANDEEQ

Hargeysa(GNN)-Guddida NAFAQO oo ay ku bahoobeen dadka ka ganacsada Hilibka ee degmooyinka Hargeysa ayaa sheegay in murankii gaadhay shaqo joojintu wali halkiisii jiro, islamarkaana madaxda laamaha ammaanku kaga baxeen heshiis hore loo gaadhay.

Bishii September ee sanadkan ayay dadka Hilibka ka ganacsadaa joojiyeen qalista hilibka iyagoo shaqo joojinta raaciyay isu soo bax. Waxay ka cabanayeen shirkadda kawaanka xoolaha lagu qalo gacanta ku haysa ee Maandeeq oo lacago dheeraad ah ku kordhisay, balse kulan labada dhinac iyo madaxda dawladda ee wasaaradda arrimaha gudaha, taliyaha booliska iyo dawladda hoose ku yeesheen wasaaradda arrimaha gudaha ayaa la isku afgartay in lacagta laga qafiifiyo, sidoo kalena la saaro guddi soo baadha muranka labada dhinac iyo bal in shirkadda Kawaanku khasaare ku jirto iyo inay faa’iido ku haysato.

Haddaba qoraal ay arrintan ka soo saareen guddida NAFAQO ayaa u dhignaa sidan “Anagoo ah iskaashata NAFAQO ee lixda degmo ee Caasimada Hargeysi ka kooban tahay ,islamarkaana ah gudidii loo saaray Hawshaa ee heshiiska lalagalay ee wasiirku dhaar noo maray inuu hawshaasi dhamaynayo,ee uu naga codsay inaanu shaqadii sii wadno,waxa aanu halkan ka cadanaynaa in balan fur lanagu sameeyey oo khilaafkii naga dhexeeyay Anaga iyo Maandeeq uu halkiisii taagan yahay,oo aan waxba laga qaban,Hawshayadii halkii lagama qaadin,cid soo baadhay wixii aanu ka cabanaynay majirto,dawladu markasta anaga ayay nagu ciirtaa,Wasiirka iyo Masuuliyiintii noo yimid maalintii aanu shaqa joojinta samaynay,maalintii ayaa noogu dambaysay  oo dib noogumayn iman balantii iyo dhaartii ay galeen halkii ayay taalaa wax lanagu ilaawayna garan mayno”.

Waxa ay qoraalkani sidoo kale ku yidhaahdeen “Markii lacagtan lanagu kordhiyay waatii dadku ka gadoodeen ee ay dadku xoolahoodii joojiyeen,halkii aanu ka eegaynay inuu Wasiir Warancade wax qabto dadkii kacdoonkan abuuray ayuu anaga xagayaga u soo kacay,Anagoo ah ururka nafaqo tanaasul ayaanu samaynay,waxaananu heshiis ku meel gaadh ah laqaadanay Wasiirka Arimaha Gudaha Warancade,Taliyaha Bilayska Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo Maayar ku Xigeenka heshiis ku  meel gaadh ah anagoo eegaya danta qaran iyo bulshadeena danyarta ah,Albaabada uunbaa lanaga xidhay,cidi nooma iman,sidaa darteed waxaanu ka codsanaynaa cidkasta oo arimaha bulshada danaysa in hawshaasi wax lanooga qabta hadii kale anaga ayay na jirtaa wixii aanu yeelanayno”.

Waxa ay qoraalkani ku xuseen in Maayar ku xigeenku aanu doonayn in xal laga gaadho murankan oo uu khilaafka hurintiisa qayb ka yahay waxaanay yidhaahdeen“Markii aanu heshiiskaasi ku meel gaadhka ah ee hawshaasi wax lagaga qabanayo aanu gaadhnay Anaga oo ah ururka Nafaqo iyo,Masuuliyiinta kala ah Wasiirka Arimaha gudaha iyo taliyaha bilayska iyo Maayar ku xigeenka Hargeysa ayaa Isla maalintiiba waxa shir jaraa’id naga daba qabtay Maayar ku xigeenka oo sheegay in hawshaasi laga heshiiyay,waanu awoodaynay inaanu ka daba hadalno laakiin waxaanu ku dhaafnay oo aanu ku ixtiraamnay Wasiirka iyo Jananka Bilayska oo aaanu qadarin u hayn kuna kalsoonayn inay wax ka qabanayaan Hawshaasi,iyo Xukuumadda oo ah xukuumaddii wax qabadka oo uu hogaaminayo Halyaygii wadanka xoreeyay anagun aanu door  weyn ka soo qaadanay Guushii uu gaadhay kulmiye,oo aanu ahayn taageerayaashii Xisbiga iyo baalashii uu ku duulayay”.

Ugu dambayn waxa ay ugu baaqeen Madaxweynaha,Madaxweyne ku xigeenka iyo goleyaasha qaranka in arintooda loo soo jeesto oo aan lagu halayn masuuliyiintii hore beenta ugu sheegay, waxaanay qoraalkooda u dhigeen sidan“ Waxaanu ugu baaqaynaa Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamuud Siilaanyo,Madaxweyne ku xigeenka Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici,Golaha Guurtida,Golaha Wakiilada gaar ahaan gudida arimaha bulshada iyo cidkasta oo u heelan wax ka qabashada arimaha bulshada inay arintayadan soo faro galiyaan oo ay gartayada dhagaystaan,waxa nagu dhacay dulmi iyo tacadi,anagoo ixtiraamayna geedi socodka Nabadgalyada dalka iyo deganaashiyaha,Waxaanu rabnaa inta aanaan markale shaqo joojin iyo buuq dambe dhalin in arintayada xil la iska saaro oo umada loo hoos loo eego oo lacagtan xaaraanta ah ee lana saaray laga qabto”.

 

Xubnaha NAFAQO ee Qoraalkan Ku Saxeexan.

 

1.Cabdilaahi Mooge Cigaal

 

2. Naasir Maxamuud Cabdilaahi

 

3. Cabdiqadir Axmed Muxumed

 

4. Siciid Xasan Aadan

Log1