Gudoomiyaha Xisbul Xaakimka Kulmiye Oo Umada Afka Somaliga Ku hadasha ka tacsiyeeyay geerida marxuum Axmed xasan cawke.

Hargeisa(GNN):-Gudoomiyaha Xisbul Xaakimka Kulmiye Oo Umada Afka Somaliga Ku hadasha ka tacsiyeeyay geerida marxuum Axmed xasan cawke.

XISBIGA MIDNIMADA & HORUMARINTA SOMALILAND
(KULMIYE)
Address: Jigjigayar, Ibrahim Kodbur District, Hargesia Somaliland.
Tell: 00252-2-527883
Mobile: 00252-2-4134891
Email: kulmiye_party@hotmail.com/Website: www.kulmiye.com/www.kulmiye.org

REF: XK/XGX/0042165/2015 Date: 17/11/2015
Ujeeddo: Tacsi
Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ka tacsiyadaynayaa qoyska, qaraabada, asxaabta, bahda saxaafadda, guud ahaan dadka Af-Soomaaliga ku hadla iyo shacabka reer Somaliland geerida ku timi weriye Marxuum Axmed Xasan Cawke oo ku geeriyooday magaalada Jig-jiga ee dalka Itoobiya (17/11/2015).
Mudane Muuse Biixi waxa uu ku tilmaamay Marxuum Axmed Xasan Cawke rukun wayn oo ka baxay guud ahaan dadka luuqadda Afka Soomaaliga ku hadla iyo guud ahaan Gobolka, kaas oo ahaa hal-abuure waxtar muhiim ah ku soo kordhiyey warbaahinta Af-soomaaliga ku hadasha.
Ugu dambayntii, Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, asxaabta, bahda saxaafadda iyo guud ahaan shacabkana inuu samir iyo iimaan innaga siiyo Marxuumka. Aamiin…. Aamiin….Aamiin.
Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE