Gudoomiye Ciro oo lagu wado inuu Maanta Dalka Ku Soo Laabto iyo Amuuraha Taagan ee La Filayo Inu Ka Hadlo

Hargaysa(GNN) Gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ahna gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa lagu wadaa inuu saacdaha soosocda soo gaadho Hargaysa.
Gudoomiye Cabdiraxmaan ciro ayaa safar hawleed muddo ugu maqnaa  dalka dibadiisa.

Waxaana ka socota garroonka Diyaaraha Caalamiga ah ee Magaaladda Hargaysa isku diyaarinta soodhawaynta gudoomiyaha iyagoo halkaasi ay ku sugan yihiin taageerayaasha Xisbiga Waddani oo ay weheliyaan masuuliin katirsan xisbiga Waddani.

Gudoomiyaha,ayaa la filayaa inuu Warbaahinta kula hadlo Qolka Nashadda ee VIP-ga,isaga oo lafiyo inuu ka warrami doono ujeedka socdaalka uu mudada ugu maqnaa dibadda iyo Xaalada dhaqan-dhaqaale ee haatan dalka ka taagan,gaar ahaana Muranka Siyaasaddeed iyo Wareejintii Haamaha Kaydka Shidaalka ee Magaaladda Berbera,taas oo Gollaha Wakiiladu ay hore u diideen.

 

Warkan Oo Muuqaala kala sco shabakada Gabiley.Net