Hargaysa: Wasiirka Wasaarada Beeraha Oo Isku Shaandhayn Ku Sameeyay Agaasimayaasha Wasaaradiisa

Hargaysa(GNN)Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim ayaa isku shaandhayn iyo magacaabis ku sameeyey Agaasime waaxeedyada Wasaaaradda Beeraha.
Warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Wasaaradda Beeraha Mudane Sacad Muuse Cabdi oo ku sabsanayd isku shaandhaynta iyo magacaabista Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Beeruhu ayaa waxa ay u dhignayd Sidan.
Ujeedo: Magacaabis Iyo Iskushaandhayn Agaasimayaal
Markii ay u muuqatay Wasiirka W/Beeraha baahida in la dardargaliyo tayaynta shaqada Wasaaradda Beeraha iyo kordhinta tacabka waxsoosaarka
Markii uu Wasiirka W/Beeruhu arkay in gabdhaha waxbartay ay ku dabranyihiin karaani ama xoghayn oo aan waafaqsanayn xuquuqda distoorka qaranku siiyey haweenka, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaalilaadna amaray in loo fuliyo, wuxu soo saaray magacaabis iyo
iskushaandhaynta soo socota:-
Magaca Agaasimaha
Waaxaha Wasaaradda Beeraha
Cabdirashiid Maxamed Axmed
Agaasimaha Waaxda Bustaanada iyo Shinida Malabka
Ibraahim Carab Ceelaabe
Agaasimaha Waaxda Cagafyada, Gaadiidka & Horumarinta Beeraha
Maxamed Liibaan Ismaaciil
Agaasimaha Waaxda Dhulka iyo Biyaha
Hodan Axmed Maxamed
Agaasimaha Waaxda Qorshaynta & Tirokoobka
Yaasmiin Xasan Saciid
Agaasimaha Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha
Cabdirasaaq Cabdillahi Ibraahim
Agaasimaha Waaxda Tijaabada & Abuurbadinta
Ibraahim Cumar Kaahin
Agaasimaha Waaxda Mashaariicda iyo Xidhiidhka Hay’adaha
GABILEY.NET
GABILEY OFFICE