Ma Dhabaa In Eng Daauud Abiib Loo Magacaabayo Badhasaabka Gobolka Gabiley….Qalinkii C.casiis Nuur Cumar.

Hargeisa(GNN):- Iyadoo maamulka Heer Gobol Uu Hadda Gudoomiye Ka Yahay Badhasaab Mustafe Shiine, Ayaa ilo Xogogaal Ah Oo habeenkii Xalay kasoo Baxay madaxtooyada somaliland sheegeen in badhasaab cusub loosoo magacaabayo gobolka gabiley halka badhasaabka horena loo bedelayo gobol kale, waxaana wararku intaasi ku dareen kadib markii Talo usoojeedin ka timid dadka degan deegaanka wajaale iyo gabiley ayaa nuxurka warqad qoraal ay ugu sheegeen in madaxweynuhu usoo magacaabo badhasaab cusub kaas oo sida la ii iftiimiyey inuu yahay Eng Daauud Abiib Axmed oo Aqoon Deegaan Iyo Mid Cilmiba U Leh Nidaamka Maamulka Iyo Horumarinta Shaqo, Isagoo Wakhti Dheerna Soo maamulayey In Kabadan Afar boqol oo shaqaale ah oo ka hawalgala shirkad dhismeed oo uu engineerku ka yahay masuul kana mid ahaa xildhibaanadii golaha deegaanka ee kasoo baxay gobolka gabiley balse sifooyin aan sharciga meelna kagaga jirin kursigiisii lagu fadhiisiyey cid kale,daauud
Gobolka gabiley ayaa ah gobol taariikh weyn ku leh dhinaca waxsoosaarka beeraha iyo degmada hodanka ah ee wajaale oo dhaqaalaha ugu badan kasoo galo dalka iyada iyo Kastamka gobolka gabiley ee kalabaydh, si kastaba ha ahaatee waxaan aaminsanahay in haddii uu madaxweyni siilaanyo ka rumeeyo wararkaasi sheegaya in engineerka loo magacaabayo badhasaabka ay suurto gal noqon karto in gobolku uu horumarkiisu sii kordho dhinaca dhismayaaasha iyo qaabaynta magaaladana uu waxweyn ka qaadan doono isagoo golaha deegaanku ay ka faaiideysanayaan aqoontiisa dhinca dhismayaasha casriga ah ee waaayadan danbe laga dhiso caalamka iyo dalkaba, isagoo muddo ka badan afartan sano kasoo shaqeynayey dhinaca qaabeynta iyo dhismaha ee samaynta dhisaynada guraha lagu dhiso.

Qalinkii :- C.casiis Nuur Cumar.
Gobolka Gabiley
nuur220@hotmail.com