Maxaa kajira inu bari Dalka Imanayo Murashaxii Badalilahaa Guddoomiye Ku Xigeenka Xisbiga WADDANI + SAWIRO.

Waxa magaalooyinka Hargeysa iyo Borame laga sugayaa ninka lagu bedeli doono guddomiye ku xigeenka xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed oo dalka iman doona. ninkan oo lagu magcaabo Dr.Maxamed Cali ayaa ah nin ay aad isugu dhow yihiin guddomiyah xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro

Dr.Maxamed Cali Cabdi, ayaa immaatinkiisa aad loogga sugayaa guud ahaan dalka, gaar ahaanna si weyn loogga saadaalinayaa magaalada Boorama in uu noqdo murashaxa madaxweyne xigeen ee xisbiga WADDANI sida ay noo xaqiijiyeen dad ku sugan magaalada Boorama oo xidhiidh toos ah nala soo sameeyey.

Aqoonyahan/Dr. Maxamed Cali, oo la filaayo in uu maalin ka dib dalka soo gaadho, ka dib socdaal shaqo uu muddooyinkii dambe ugu maqnaa dalka dibaddiisa, ayaa waxaa madaarka caasimadda Hargeysa, ku qaabili doonna sida oo kalena ka qeyb-qaadan doonna soo dhaweyntiisa mas’uuliyiinta ugu sar-sareysa xisbiga WADDANI, hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada haweenka, dhallinyarta iyo taageerayaal kale oo aad u tira badan.

Dr.Maxamed Cali Cabdi oo ah mas’uul ka soo jeeda gobalka Awdal, sida oo kalena ah aqoonyahan ahna diblomaasi-sare oo ku xeel dheer aqoonta diblomaasiyadda iyo xidhiidhada caalamiga ah, horena bare-sare uga soo noqday jaamacaddo ku yaala dalka Mareykanka, ayaa inta badanna lagu tilmaamaa in uu xidhiidh iyo saaxiibtinnimo dhow la leeyahay guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxaana dadka ka inta badan dadka u dhuun dalloola siyaasaddiisu ay ku tilmaamaan in uu yahay nin qunyar socod ah oo ay isla jaan qaadi karaan siyaasadda guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Cirro.

Ugu dambeyntiina sida aad ka turjuman kartaan muuqaaladda sawiradda Aqoonyahan/Diblomaasi-sare/Dr.Maxamed Cali Cabdi, ayaa u muuqda mid kalsooni badan ka haysta dhinaca guddoomiye Cirro, waxaana xeel dheereyaasha arrimaha siyaasadda Somaliland-na ay tilmaamayaan in diblomaasi Dr.Maxamed Cali Cabdi uu yahay mas’uulka ugu dhow xisbigaasi ee la filaayo in uu noqdo murashax madaxweyne xigeen.

Log1