Mayarka Gabiley Oo Kulan La Qaatay Salaadiinta, iyo Cuqaasha Gobolka Gabiley

Gabiley (GNN)Mayarka Magalada Gabiley M/Amiin Cumar Cabdi Ayaa Kulan LaqaataySalaadiinta,Iyo Cuqaasha Gobolka Gabiley Kulan Kaasi oo oo Ahaa Mid Albaabadu Xidhnaayeen ayaa Markii Kulankaasi Soo Dhamaaday Waxa Mayarka Gabiley M/Amiin Cumar Cabdi Wax Ka Waydiiyay Shabakada Wararka Ee Gabiley.Net Waxanu Mayarku  Si Kooban Uga War bixiyay u,jeedada Kulankaasi uu Laqaaatay Saladinta,iyo Cuqaasha Gobolka Gabiley.

Waxanu Mayarku Sheegay Inay Kawada Hadleen Sidii ay u,sii Xoojinlahayeen Wada Shaqaynta Ka Dhaxaysa Mamulka Iyo Cuqaasha, Xaga Nabad Galyada, Arimha Asaaska u,Ah Horumarka Dagmada iyo Isku Xidhka Arimaha Bulshada Iyo Sidii Loo ogaanlahaa Baahiyaha Dhabta Ah ee Bulshada islamarkana Sida Ay u,kala Sarayso Wax Looga Qabto Kulankaasina uu Ku Soo Dhamaaday isfahan Iyo in Si Wada Jira Looga Midho Dhaliyo .

 

Kulankani ayaa Daba Socda Shirar uu Maalmahan u,Danbaysay uu La Yeelanaayay Mayarka Gabiley ururada Dhalinyarada ee Ka Hawlgla Dagmada Gabiley Taasoo Ahayd Xogogaal u Noqoshada Awooda Wada Shaqayneed ee Ka Dhaxaysa Maamulka Iyo ururada Arimha Bulshada ee Dagmada Gabiley .

C/rasaaq Axmed Hayaan ilkacase
Gabiley.Net
Gabiley Office