Musharax Xagtlatoosiye Oo U Muuqda Inuu Hantiyey Taageerada Xubnaha Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye Iyo Dooda Madaxweyne Ku Xigeenka.

Hargeysa(GNN):-Iyada oo shirkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ay ka hadhsan tahay hal maalin ayaa waxa kor u sii kacaya tartanka dhaxeeya musharaxiinta madaxweyne ku xigeenka ee xisbigaasi.

Tartan aad u culus ayaa ka dhex taagan musharax Saleebaan Ciise Axmed Xaglatoosiye iyo madaxweyne ku xigeenka somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo damacsan inuu mar labaad isku soo taago jagadaas, iyada oo uu wajahayo tartan u muuqda in lagaga adkaan doono oo uu la galayo wasiirka caafimaadka Saleebaan Xaglatoosiye oo isaguna musharax Ah.

Wasiirka caafimaadka somaliland ayaa u muuqda musharaxa haatan ugu cad cad jagada musharaxnimada ee madaxweyne ku xigeenka, waxaanu maalmihii ugu danbeeyey kulamo gooni gooni ah la lahaa xubnaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye, kuwaas oo taageeradooda la garab istaagay wasiir Xaglatoosiye.

Madaxweyne ku xigeenka somaliland ahna musharax u taagan jagada musharaxnimo ee madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga Kulmiye ayaa culays badan kala kulmay taageerada balaadhan ee xubno ka mid ah golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ugu hiiliyeen wasiirka caafimaadka somaliland, taas oo keentay in Cabdiraxmaan Saylici madaxtooyada somaliland ka codsado in laga reebo musharax Xaglatoosiye balse ay taasi u suurta gali wayday.

Musharax Saleebaan Xaglatoosiye ayaa uu muuqda inuu haatan yahay musharaxa kaliya ee haysta aqbaliyada xubnaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ee u tartamaya jagada musharaxa madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga Kulmiye

 

 

GABILEY.NET

GABILEY OFFICE