DAAWO Musharaxiintii Isbahaystay Ee Kulmiye Oo War Ka Soo Saaray Khilaafkii Kulmiye Iyo Doorashadii Muuse Iyo Saylici.

Hargeysa(GNN)November-14-2015-  Musharaxiintii isbahaystay ee Kulmiye(Cabdicasiis Samaale, Maxamed Biixi, Xildhibaan Kijaandhe iyo taageerayaashooda), ayaa soo saaray qoraal ay ku sheegayaan hanaankii uu u dhacay khilaafkooda iyo maroorsi ay ku eedeeyeen in garabka Muuse Biixi ee qabanqaabada shirkii Kulmiye sameeyey, waxaanay taxeen dhacdooyinkii ku suntanaa murankooda.

Garabkan isku magacaabay isbahaysiga doorasho ama dimuqraadiyad doonka Kulmiye waxay sheegeen inay muddo laba sanno ah madaxweynaha ku garab taagnaayeen sidii uu teeramkiisa labaad isu sharixi lahaa, balse ay garabkoodu liqi karri waayeen markii uu wasiiro beeshiisa ah faray inay taageeraan Muuse Biixi.

Garabkan ayaa qoraalkooda ku sheegay in madaxweyne Siilaanyo isku dayay inuu kala jajabiyo musharaxiinta isbahaystay, islamarkaana xubno looga yeedhay madaxtooyada, si looga dhaadhiciyo ka qayb galka shirka iyo inay ka baxaan isbahaysiga

 

Log1