Ogeysiis: Xisbiga KULMIYE ee Magaalada Bristol oo qaban doona xaflad lagu taageerayo murashaxiinta Xisbiga

Brsitol (Gabiley.net) Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee magaalada Bristol Mustafe Xaashi Cismaan waxa uu ogeysiinaynaa dhammaan taageerayaasha Xisbiga KULMIYE in magaalada Bristol lagu qaban doono xaflad taageero ah oo lagu taageerayo murashaxiinta Xisbiga KULMIYE ee madaxweyne iyo madaxweyne-ku-xigeen Muuse Biixi Cabdi iyo C/raxmaan C/laahi Saylici.

Xafladan oo ka dhici doonta Hotel Future INN ee magaalada Bristol maalinta Sabtida ee 21/11/2015 saacaduna tahay 8 – 1 pm.
Ka soo qayb gal wacan.

Goobta:
Adress: Future INN
Cabot Circus
Bond Street
BS1 3EN

kulmiye

Gabiley News Network