DHAGAYSO:Sarkaal Ka Tirsanaa Ciidanka Maamulka Puntland oo Diley Sadex Sarkaal.

Sarkaal ka tirsan ciidamada  maamulka Puntland ayaa toogasho ku dilay saddex sarkaal kale oo ka tirsan ciidamada Puntland kuwaas oo ku sugnaa aagga buuraha Galgala.

Abaanduulaha ciidamada maamulka Puntland ee aaga Galgala Gaashaanle sare Shire Cumar Cali oo la hadlay idaacadda VOA-da ayaa sheegay in askariga weerarka qaaday uu madaxa ka xannuunsanaa, ayada oo aysan jirin wax dhibaato ah oo ka dhex taagneyd askariga wax dilay iyo kuwa la dilay.Weerarka ayaa dhacay saaka waaberigii, xilli askarta la dilay ay shaah ku cabayeen goob ka mid ah fariisimaha ciidamada Puntland ee buuraha Galgala.

Gaashaanle sare Shir Cumar Cali waxa kale oo uu shaaca ka qaaday in askarigii dilka geystay uu isku dayey inuu baxsado, balse ay ka daba tageen askar kale kuwaas oo toogasho ku dilay.

 

Log1