Shirkada Mitsubishi oo Samaysay Diyaaradii U Horaysay oo Nuuca Rakaabka Ah Dalka Jabaan.

Tokyo(GNN)- Shirkada samaynta baabuurta caanka ku ah ee Mitsubishi ee dalka Jaban laga leeyahay, ayaa samaysay diyaarad Rakaab tii ugu horaysay ee lagu sameeyo dalka Jaban, waxaana diyaaradan oo samaysay duulimaadyadeedi ugu horeeyay ee gudaha dalkaas ah ay noqonaysaa, diyaaradii ugu horaysay ee Jaban samayso.

Shirkada Mitsubishi ayaa noqotay shirkadii ugu horaysay ee kaga dhabaysa riyadii reer Jabaan muddad dheer ku taamayeen, waxaanay xaqiijisay awooda ay u leedahay, samaynta diyaarado tayo iyo awood ahaan la tartami kara diyaaradaha shirkadaha waaweyn ee Boeing oo Maraykanka laga leeyahay iyo Airbus oo Midowga Yurub Shuraako ku yihiin.

Tijaabo dheer ka dib waxa ay diyaaradani duulimaadkeedi ugu horeeyay ee ay rakaab ku qaado kaga haaday Madaarka Magaalada Nagoya ee badhtamaha dalkaas ku taala ilaa magaalada caasimadda dalkaas ee Tokyo oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

 

 

Log1