Shirkadda SBI Oo Gaadhigii Ugu Horeeyay iyo Abaal Marrinno Kale Guddoonsiisay Dad Guulaystay SAWIRRO.

Hargeysa(GNN)November-15-2015- shirkada sharaabka ee SBI  ayaa abaal marino kala duwan gudoonsiisay qaar ka mid ah macaamiisheeda oo ku guulaystay barnaamijka CAB OO GUULAYSO.  Munaasibad balaadhan oo ay shirkaddu ku qabtay magaalada Hargeysa oo ay ka soo qayb galeen maamulaha guud ee shirkada Mustafe Cismaan Geelle iyo madaxda sare ee shirkadaasi ayaa abaal marinaha la gudoonsiiyey macaamiisha  waxa ka mid ah ahaa gaadhi noociisu yahay Verossa, moobilo. Laptop-yo, lacag qadarkeedu yahay $500 iyo abaal marino kale.

Maamulaha guud ee shirkadda SBI Mustafe Cismaan Geelle oo ka hadlay munaasibadan ayaa u mahad celiyey guud ahaanba macaamiisha kala duwan ee Somaliland Iyo Puntland ee isticmaala sharaabka ay shirkaddu soo saarto, waxaanu sheegay inay barnaamijkan ugu tala galeen inay dadka isticmaala sharaabka ay wax ku celiyaan, isla markaana ay ku dhiiri geliyaan inay nasiibkooda tijaabiyaan.

Qaar ka mid ah macaamiisha ku guulaystay abaal marinaha kala duwan ee ay shirkaddu bixisay oo ka hadlay dareenkooda ayaa sheegay  inay ku faraxsan yihiin sida shirkaddu u soo bandhigtay nidaamka ku salaysan habka caddaaladda ah ee ay u kala saartay macaamiisheeda.

Ugu danbayntiina macaamiishaas ayaa la gudoonsiiyey abaal marinaha kala duwan ee ay ku  guulaysteen, waxaana halkaas lagu bixiyey gaadhigii ugu horeeyey ee lagu guulaysto, iyada oo shirkadu ay macaamiisheeda ugu tala gashay inay ku  tashadaan sadex gaadhi. Barnaamijka oo sii soconaya labada bilood ee dambe ayaa la bixin doonaa laba gaadhi iyo abaal marrinno kale.

Log1