Shirkii Kulmiye oo La Doortay Musharaxa Madaxweynaha Iyo ku Xigeenkiisa+Xaglatoosiye Oo Qaatay Go’aan Raganimo Leh+ Sawiro.

Hargeisa(GNN): Waxaa Subaxii Hore Ee Saaka ka Bilaambay Magaalada hargeisa Shirkii Xisbiga Muxaafidka Ah ee Kulmiye Iyadoo halkaasi Uu Khudbad Dheer oo uu Madaxweynuhu Kasoo Jeediyey uu ku Shaaciyey In Uu Uga Tanaasulay Hankii Musharaxnimo Musharax Muuse Biixi Cabdi.
Waxaana munaasibadan oo ay xidhiidhinayeen gudoomiyaha golaha dhexe mudane jaamac shabeel iyo laba xubnood oo dib loogu doortay shirkan maanta inay hawsha wadaan ayaa waxaa halkaasi hadalo ku taxaluqa kasoo jeediyey gudoomiye muuse biixi cabdi oo ka waramay in si dimuquraadiya golaha dhexdiisa loo dooranayo qofkii shacabku wato, waxaana muddo kadib maamulkii shirka lagu wareejiyey saddexda xubnood ee la doortay ee uu hogaanka ka yahay mudane jaamac shabaal, kadib markii la galay codaynta waxaa madasha shirka oo ay kasoo xaadireen 365 xubnood codkooda siiyey 344 xubnood halka 11 ay ka diideen qaar kalena maqnaayeen, waxaana sidaasi kusoo baxay inuu noqdo musharaxa xisbiga mudane muuse biixi cabdi, intaa kadib waxaa la galay doorashadii musharaxa madaxweyne ku xigeenka oo markaa ay tartamayeen musharaxiinta kala ah c/raxmaan ismaaciil saylici iyo Saleebaan Axmed Ciise Xagla Toosiye, Waxaa markii la bilaabay tirinta codadka musharax c/raxmaan ismaaciil saylici u codeeyey 230 qof halka ay saleebaan axmed ciise uga codeeyeen 114 qof waxaana sidaaasi guushu ku raacday musharaxa c/raxmaan saylici oo ah madaxweyne kuxgeenka hadda, waxaana halkaasi haddalo dhaxal gal ah kasoo jeediyey saleebaan axmed ciise xaglatoosiye oo ku hanbalyeeyay musharaxiintan guulaystay

 

Arrinta Dadka Ka Wada Qosliysay Ayaa Noqotay Kadib Markii Wasiirka Wasaarada Warfaafinta C/laahi Maxamed Daahir Cukuse Kalidii Madaxweynaha Oo Agfadhiya Ka Codeeyey Musharax Muuse Biixi Golaha Wasiirada Taas Oo Uu Aad Iyo Aad ugu Qoslay Madaxweyne axmed Siilaanyo.

DSC_1447

.DSC_1450

DSC_1356

DSC_1357

DSC_1358

DSC_1363

DSC_1362

DSC_1361

DSC_1360

DSC_1359

DSC_1368

DSC_1369

DSC_1370

DSC_1372

DSC_1373

DSC_1374

DSC_1375

DSC_1380

DSC_1379

DSC_1378

DSC_1377

DSC_1376

DSC_1382

DSC_1383

DSC_1384

DSC_1385

DSC_1390

DSC_1388

DSC_1387

DSC_1386

 

 

Wax yar kadib Halkan ka Daawo Muuqaaladan oo Dhammays Tiran