Siyaasi ka tirsan Xisbiga Waddani oo Madaxweyne Siilaanyo ku bogaadiyey magacaabista Wasiir Mahdi Cisman Buuri

Hargaysa(GNN):-Barkhad Jama Xirsi Batun oo ka mid ah Siyaasiyiinta sarre ee xisbiga waddani horeyna u ahaa La-taliyaha Madaxweyne siilaanyo ee xilkaas iska casilay, ayaa waxa uu ka hadlay magacabista madaxweyne siilaanyo u wasiir dawle u magacaabay mudane mahdi cisman buri waxaanu sheegay inu aad iyo aad u soo dhaweynayo magacaabistaa iyo xilkaas qaran ee la saaray masuulkaas cusub waxaanu yidhi:
aa

Runtii waa talaabo talmoon uu madaxweynuhu qaaday waanu ku amaanan yahay wallow ay habooneyd bulshadaas mudada dheer sawirka siyaasadeed ee Somaliland miisan iyo mugba ku laheyn inuu wasiir buuxa siiyo balse wax yaridu wax la,aanta ayey dhaanta.

Madaxweyne silanyo waxaan ku aqaana muddadii aan u ahaa lataliyaha nin qalbi fiican jecel wanaaga iyo cadaalada laakin aad mooda un iney ka tahay intaad hor fadhido oo aan ficil laheyn. Masuul kastana inuu guul hogaamineed gaadho waxaa ka qeyb noqdo kolba cida ku xeeran

Mahdi cisman buri waa shaqsi u qalma wasiir iyo wax ka sareeya muddo dheerna ku soo jiray siyaasada waxaanan rajeynayaa inuu gaadho darajadaas balse waxaanu u soo jeedinayaa dhamaan bulshada gabooye inuu hayb ahaan ka soo jeedo mahdi balse maanta xil qaran oo Somaliland ka dhexeeya uu hayo dhibta iney ka daayaan u duceeyaan barbar istaagan inta uu xilkaas qaran saaran yahay isaguna inuu ku dadaalo isku haynta dadka iyo dalka iyadoo rajo fiican aan ku qabo inuu xilkaas si fiican uga soo bixi doono

Ugu danbeyntina waxaa u masuulkani ka hadlay waxa uga meel yaal ka xisbi ahaan haddii ay talada dalka qabtaan bulshada gabooye oo runtii mudo dheer tirsaneysay dulmi aan diin iyo dadnimo salka ku haynin

Runtii xisbigu wuxu dhawaan soo saari doonaa buugiisa ololaha doorashada iyo waxa uga meel yaal horumarinta guud ahaan dal iyo dad kaas ayeyna ku jiraan oo ka hor dhici maayo balse waxaan ka xusi karaa iney saami fiican ka heli doonaan xilalka qaran oo wasiir buuxa, agasime guud wasiir kuxigeen iyo safiir iyo waliba sidoo kale safiiro heli doonaan waxaana ugu mihiimsan horumarinta adeega bulsho ee goobaha ay dalka ka dagaan oo xisbigu culays weyn saari doono ayuu yidhi masuulkani

Masuulkan ayaa kamid ahaa shaqsiyaadki ugu horeeyey ee sanadkan dhamaadka ah bilowgiisi ka huleelay xukumadda iyadoo istiqaalada xilka uu xukumada ha hayeyna ku sababeeyey cadaalad darro baahsan oo ka jirta xukumadda iyo xurmo la,aan ay bulshada uu ka soo jeeda ku qabtay

Waxaana laga dhursugayey in xukumada silanyo jawaab celin deg deg ah ka bixiso dhalisha uu sheegay iyo xilka tagistisa balse waxay wasir u dawlad 7 kadib u magacowday mudane mahdi cisman buri oo ka soo jeeda haybta masuulkan lamana garan karo iney wax ka tari doonto magacabistani cabashadii bulshadaas iyo iney mar kale xukumaddu ku heli doonto kalsoonidoodi iyadoo taageeradoodii ugu weyned iyo tamartoodiba galiyey xisbiga mucaaridka ah ee waddani.

 

 

GABILEY.NET

GABILEY OFFICE