DAAWO: Suldaan Xiiray oo sheegay inay ka qayb galayaan Wada hadalada Turkiga.

Suldaan Yuusuf Xiiray oo isku magacaabay Afhayeenka Salaadiinta Somaliland iyada oo meel lagu doortay aanay jirin ayaa maanta shaaca ka qaaday in isagoo ku hadlaya afka salaadiinta Somaliland ay ka qayb galayaan wada hadalada Turkiga.

Dawlada Turkiga ayaa la sheegay inay qorshaynaso inay wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya u badasho dhinaca madax dhaqameedka.iyadoo ku rajo wayn inay halkaa ka gaadhi karto hadafkeeda ah midnimada Somaliya.

Dhinaca kale xisbiyada mucaaridka Somaliland ayaa arintaasi sheegay inay meel ka dhac ku tahay qaranimada Somaliland ,salaadiintana usoo jeediyay inay ku ekaadaan danaha reeraha ay u taliyaan.

Halkan ka Daawo hadalka Suldaan xiiray.

Gabiley.net