DAAWO:Tirada Dhimashada iyo Daawaca Saraakiishii iyo Dadkii Rayidka ahaa ee Weerarkii Muqdisho oo Koru Kacaya + SAWIRO.

Wararkii ugu dambeeyay ee weerarkii Hoteel Saxafi ee Muqdisho ayaa sheegaya in khasaarihii ka dhashay ay tiradoodu gaadhayso ugu yaraan 15-qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan, waxaana ka hadlay weerarkaan wasiirka warfaafinta Somaliya.



Dadka ku dhintay weerarkaan waxaa ku jira mas’uuliyiin dowladda Somaliya ka tirsan, kuwaas oo uu ku jiro xildhibaan Maxamed Cabdi Abtidoon oo ka tirsan baarlamaanka FS, abaanduulihii hore ee ciidamada xoogga Soomaaliya, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan [Dhego-badan], milkiilihii Hotel Saxafi, C/rashiid Shire Il-qabte, Mustaf Cabdi oo ahaa wariye la shaqeynayay telefishinka Al-jazeera.

A

“Al-shabaab waxay saaka salaaddii subax kaddib weerareen hotwel Saxafi, runtii waxaan idiin xaqiijin karaa inay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Somaliya, xubno ganacsato iyo dad kale oo rayid ah ay ku dhinteen halkaas. Waxaa sidoo kale ay ciidamada ammaanku dileen xubnihii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday,” ayuu yidhi wasiirka warfaafinta Somaliya, Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye] oo warbaahinta la hadlay.

S

Wasiirka oo la weydiiyay xubnaha dowladda ee weerarkaas ku dhintay, ayaan bixin wax jawaab ah, balse wuxuu sheegay in ciidamada amniga ay dhawaan ka hadlin doonaan tirada rasmiga ah ee dhimashada weerarka Hotel Saxafi.

Ilo wareedyo ka tirsan booliiska Somalia ayaa sheegay in weerarka lagu dilay 15-ruux oo isugu jira shacab iyo mas’uuliyiin dowladda ka tirsan, ayna ciidamada dowladda Somaliy aku guuleysteen inay soo af-jaraan weerarka.

saxafi

 

Sidoo kale, Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa la dhigay dhaawacyo badan oo ka dhashay weerarkii Hoetelka Saxafi, waxaana dhaawacyada ka mid ahaa, taliye ka tirsanaa ciidamada dowladda oo lagu magacaabo, Jen. Gacma-duulle, danjirihii Somaliya u fadhiyay dalka Itoobiya, Axmed C/salaam Xaaji Aadan iyo wariye wakaaladda wararka ee Reuters ka tirsan oo lagu magacsaxafi_2aabo, Faysal Cumar.

Howl-wadeennada isbitaalka Madiina ayaa iyaguna sheegay in dhaawacyo fara badan la soo gaadhsiiyay saaka, ayna qaarkood yihiin kuwo culus, inkastoo aanay sheegin tirada dhaawacyada lasoo gaarsiiyay, basle wararka ayaa sheegaya inay 30-qof ka badan yihiin.

saxafi_3

Weerarkan oo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab ayaa waxaa burbur aad u culus uu kasoo gaadhay dhismaha hoteelka Saxafi oo ku yaalla isgoyska lambar afar ee badhtamaha magaalada Muqdisho.

saxafi_4

 

 

Log1