DAAWO Sawirada:Wafti ka soo kicitimay Somaliland oo London soo gaadhay si ay uga Qayb Galaan Ictiraafka golaha Degaanka eeTower Hamlet

London(GNN)Waxa garoonka caalamigaa ee Heathrow maanta oo Salaasaa 17.11.15 kasoo degay wafti kasoo kicitimay Somaliland oo uu hogaaminaayo Wasiirka Macdanta SomalilandHuseen Cabdi Ducaale  iyo Wasiirk ku xigeenka Arimaha Dibada Somaliland Axmed Aadan Ismaciil (Axmed Kayse) oo London u yimid inay goob-joog ka ahaadaan Ictiraafka golaha degaanka ee Bariga Magaaladda London Xaafada Tower Hamlet ay ku ictiraafayaan Somaliland,kulanka oo bari ka qabsoomi doona barxada weyn ee golaha degaanka ee xaafada Tawer Hamlet ay leedahay kana soo qayb gali doonaan shacab badan oo reer Somaliland ah iyo madax sar-sare oo wasiiro ah .

Waxa garoonka kusoo dhaweeyey wakiilka Somaliland ee UK Cali Aadan Cawaale, Aamina Cali oo ah xildhibaanad laga soo doorto xaafada Tower Hamlet,ahna shakhsiga ka shaqeeyey in golahu ictiraafo Somaliland,TVga qaranka Somaliland iyo qaar ka mid ah shacabka reer Somaliland ee UK.

Insha Allah lasoco beri kulanka oo ka dhici doona bariga London.

 

image

image

 

image


image
image

 

 





Log1