War Deg Deg Ah:Muuse Biixi Oo Loo Doortey Musharaxa Madaxweyne Ee Xisbiga Kulmiye

Hargeysa(GNN):-Shirkii golaha dhexe eexisbiga Kulmiye ee ka socday magaalada Hargeysa ayaa lagu doortay musharaxa madaxweynaha ee xisbigaasi.Xubnaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ee ka soo qayb galay shirkan oo tiradoodu dhamayd 365 eergay  ayaa waxa u codeeeyey Muuse Biixi Cabdi  inuu noqdo musharaxa xisbiga Kulmiye 344 xubnood, halka ay diideen 1, waxaana ka aamusay  7 xubnood.Waxaanu Muuse Biixi Cabdi sidaas ku noqday musharaxa madaxweyne ee xisbiga Kulmiye ee matali doona doorashada madaxtinimada ee soo socota xisbiga Kulmiye.warkan oo VIDEO mardhaw kala Soco Gabiley.Net