WAR DEG DEGA: Isbahaysiga Musharaxiinta Xisbiga Kulmiye oo Qaadacey Guddida Dhex Dhexaadinta Ee Madaxweyne Siilaanyo Xalay Magacaabey

Hargeysa(GNN)-Isbahaysiga musharaxiinta xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa ku dhawaaqay inaanay ogolayn guddidii uu madaxweynaha somaliland u magacaabay xalinta khilaafka ka taagan xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye.

Xubnaha isbahaysiga musharaxiinta oo haatan shir uga socda mid ka mid ah hudheelada Magaalada Hargeysa  ayaa kaga hadlaya muranka ilaa haatan ka taagan musharaxnimada xisbiga Kulmiye iyo go,aanka ay ka qaadan doonaan.

Musharax Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka mid ah musharaxinta damacsan inay ku tartamaan xisbiga Kulmiye oo ka hadlay shirka haatan u socda ayaa ku dhawaaqay inaanay ogolayn guddida uu madaxweyne Siilaanyo u magacaabay dhex dhexaadinta khilaafka xisbiga,

waxaanu sheegay inaanay marna ogolaan doonin wixii ay guddidaasi soo saarto Isbahaysiga musharaxiinta ayaa mudaba laba jeer ka baaqday kulan uu madaxweynaha somaliland doonayey inuu isku soo hor fadhiisiyo labada garab ee ku tartamaya musharaxnimada xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye, waxaanay ku doodeen inaanu madaxweynuhu dhex ka ahayn tartanka ka dhex taagan xisbiga.

Dhawaaqa ka soo yeedhay xubnaha isbahaysiga musharaxiinta xisbiga Kulmiye ayaa ku soo beegmaya iyada oo wakhti yari ka hadhsan yahay qabsoomida shirka golaha dhexe ee lagu dooranayo musharaxa xisbiga.

 

Wixii Warar ah Ee Ka Soo Kordha Kala Soco:Gabiley.Net