War-degdeg ah Mid Kamid ah Dhakhaatiirta Waaweyn Ee Caasimada Hargeysa Oo Ku Geeriyooday Cusbitaalka Hargeysa

Hargeisa(GNN):–Marxuum Dr Cabdi Faarax Sareeye oo kamid ah Dhakhaatiirta Caasimada Hargeysa ee inta badan daaweyn jirey cudurada Caruurta iyo Dumarka, ayaa Goor dhaweyd ku geeriyooday Cusbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa.

Waxaana Marxuumku kusoo booday Xanuun boodo ah oo labadii Maalmood ee U Dmabeeyay loo geeyay Cusbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa,waxaana lagu aasi doonaa Xabaalaha Xeedho ee Magaalada Hargeysa.

Illaahay Naxariistii Jano haka Waraabiyo Marxuumka eheladii,Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka tageyna iyo bhda Caafimaadka Somalilandna Samir iyo iimaan illaahay haka Siiyo Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Allaha ha inaga Aqbalo..