Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, Oo Ku Guul-daraysatay Inay Go’aan Cadaalad Ah Ka Soo Saarto Deeqaha Waxbarasho Ee Ethipoia Ee La Musuqay

Hargeysa-(GNN)-Cabdillaahi Ibraahim Habane, oo muddo dheer ka soo shaqeeyay nabadaynta Somaliland, muddo dheerna ahaa xoghayaha ee guud golaha guurtida, dadka aqoonta u lihi waxay ku sifeeyaan nin go’aan qaadasho buuxda leh, jecelna cadaalada eex la’aanta iyo wadajirka bulshada, waxaanu in badan goob joog u ahaa dhibaatada iyo cawaaqib xumada ka dhalata cadaalad daradda.

hadaba iyada oo ay sidaa ay tahay waxa si weyn ay bushdu is weydiinayaan sababta Wasiirka cusub ee Wasaarada Waxbarashada IyomTacliinta sare ee Somaliland, uu illaa hada go’aan uga gaadhi la yahay deeqihii waxbarasho ee ay Ehiopia ugu deeqday Somaliland, oo sida qaldan loo maamulay loonna musuqmaasuqay, iyada oo si qeyrul sharci ah loo baal maray nidaamkii saxda ahaa ee.

Deeqahan waxbarasho hore loogu saleeyay oo ku qotomay ardaydii imtaxaanaadka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka ugu saraysay, balse aan loo fulin sidii loogu tallo galay oo uu Wasiiral dawladaha Wasaararada Waxbarashadu Axmed Nuur Faahiye, uu si sharciga baalmarsan uu iskii ugu takri falay deeqahaa waxbarasho, isaga waxba kama jiraan ka dhigay qorshihii hore ee wasaarada waxbarashadu ay ku jaangoysay qaybinta deeqhaa waxbarasho

Warar xogoggal ah ayaa sheegaya in wasiirul dawlihii wasaaradaa ee khaladka intaa leeeg sameeyay isaga oo isticmaalaya awoodo leexsan oo dawladeed, in uu ka shaqaynayo dadaalo uu ugu jiro sidii ay Wasaraadu ula qaadan lahayd meel marinta liiskiisii sharci darada ahaa ee uu hore u gudbiyay. Waxaana dhegta loo taagayaa oo si weyn looga dhursugayaa halka ay arrimahaasi ku biyo shubtaan, iyo go’aanka uu Wasiirka cusub ee Wasaatrada waxbarashadu uu ka qaato arrintaa.

Waxa la gudboon Wasiirka cusub ee Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta sare, ee Somaliland, in uu meel mariyo liiska saxda ah ee ardayda xaqa u yeelatay in ay deeqahaa helaan, isla markaana uu dawlada Ethiopia, u gudbiyo liiska saxda ah ee ardayda helay deeqahan waxbarasho si meesha looga saaro wax isdaba marinta iyo musuqmaasuqa uu ka danbeeyay Wasiirul dawluhu

Madaxweyanaha waxa looga fadhiyaa in uu talaabo degdeg ah ka qaado Wasiirul dawlahan wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare oo ku suntan masuul aan u qalmin xilka masuuliyadan culus ee uu qaranka u hayo,
Musuqmaasuqan iyo wax isdaba marintan baahsan ayaa hadii sidaa ay ku meel marto, noqonaysa tii ugu xumayd ee nooceeda ah ee soo marta Somaliland, waxaanay ku astaysnaan doontaa buro ceebeed ka laalaalada xukuuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

FIIRO GAAR AH WIXII WARAR AH EE ADBA KA SOO KORDHA KALA SOCO GABILEY.NET