DAAWO Sawirada:Wasiirka Madaxtooyada Oo Qado Sharaf U Sameeyey Jaamac Karaaciin Oo Ah Tababaraha Xulka Qaranka Qatar.

Wasiirka Madaxtooyada Oo Qado Sharaf U Sameeyey Jaamac Karaaciin Oo Ah Tababaraha Xulka Qaranka Qatar Iyo U Jeedada Kulanka Jaamac Maxamuud Aadan (Jaamac Karaaciin) Oo Ah tababaraha xulka Qaranka Qatar ahna Muwaadin Somaliland u dhashay ayaa soo gaadhay Magaalada Hargeysa waxaana isla maantaba Qado sharaf u sameeyey Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi oo ay wehelinayaan Xubno Ka Tirsan Xukuumada Somaliland Kulan qado sharafka ah ayaa u jeedadiisu ahayd sidii Tababaraha Xulka Qaranka Qatar loogu dhiiri gelin lahaa dadaalka uu sameeyey iyo shaqada uu hayo Wasiirka Madaxtooyada ayaa tan iyo intii uu xilka qabtay waxa uu la soo baxay dar dar badan oo uu wax kaga qabanayo arimo badan oo dayac ka muuqdo waxa uu sidoo kale dhiiri geliyey dhalinyada iyo xubnaha dalka u dhashay ee dadaalka dheer sameeyey
 Log1