Xusuusta Shirkii Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye Ku Qabsadey 2008dii Burco Iyo Jawiga Muuqaaladii Xiligaasi inta Geeriyoontey inta isaseegtey

Hargeysa(GNN)-Xusuusta todobada Sanadood ka hor Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ku qabsadey Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer oo xubnihii Golaha Dhexe ee Xiligaasi ugu doorteen Madaxweyne Siilaanyo Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye iyo Madaxweyne Kuxigeenka Cabdiraxmaan Saylici,waxa goob jog ka ahaa Hogaankii xiligaasi ee Xisbiga Kulmiye oo ay kamid ahaayeen Gudoomiye Kuxigeenka Koowaad Muuse Biixi Cabdi,Gudoomiye Kuxigeenka Labaad Cabdiraxmaan Cabdiqaadir,Kuxigeenka Sadexaad Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle,iyo Kuxigeenka Afraad Cabdiraxmaan Cabdilaahi(Saylici),Waxa kale oo isaguna hogaanka goob jog ka ahaa Shirkan Illaahay naxariistii jano haka Waraabiyee Xoghayahii Guud ee Xisbiga Kulmiye Xiligaa Marxuum Kayse Xasan Cige iyo Xubno tira badan oo katirsanaa Xubinhii Golaha Dhexe oo qaarkood geeriyoodeen qaarkoodna, dalka Dibada kaga maqan yihiin qaarkoodna isla manta oo loo holadey Todobada Sano kadib Murashaxii labaad ee Jagada Madaxweyne ee Kulmiye ay goob jog yihiin.

shirkii5(1)

shirkii2(1)

shirkii4(1)
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo maalintii Furitaanka Shirkii Golaha Dhexe ee sanadkii 2008 bishii 8aad 24keedii ka jeediyay Khudbad taf dheer oo dhinacyo badan taabaneysa kadib markii maalin dib loo dhigay Shirkaasi ayaa ku dheeraadey in isbadelka marka hore looga baahan yahay in cida wax badeleysaa aanay la mid noqonin ka uu badelayo waxaana kamid ahaa weedhihii uu Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo waagaas ahaa Gudoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Xisbigu jeediyay.
shirkii5(1)

shirkii7

shirkii9

“Hadii ninka la badelayaa yahay Beenaale aan axdi laheyn oo ka badelayaana lamid noqdo wax la badelayo iyo isabdel imanayaa majiraan, laakiin waxaa loo baahan yahay in laga duwanaado markasta cida aad badeleyso, Xisbigeena Waxa u taagan Musharaxa Jagada Madaxweyne Odeyga cid kula tartameysaana majirto,laakiin loolanka ugu adagi wuxu ka taagan yahay Musharaxa jagada Madaxweyne Kuxigeenka waxa u taagan Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax,Cabdiraxmaan Cabdilaahi(Saylici),Pro Ismaaciil Muumin Aar iyo Oday Cadami”Ayuu yidhi Muuse Biixi.
shirkii11

shirkii17

shirkii19

Hadeynu dib ugu noqono raadadka Xasuuseed ee Shirkaasi Golaha Dhexe todobada Sano ka hor Xisbiga Kulmiye ku qabsadey Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer gaar ahaana, huteelka City-Placa waxaa xusid mudan in shirkaasi ajandayaasha sida aadka ah looga doodey ay kamid ahaayeen codka meertada ah iyo codka kalida ah oo ay madasha Shirka xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga ugu soo bandhigeen Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo Xildhibaan Maxamed Jaamac oo isku dhinac ahaa maadaama ay Axmed Xaaji Cali Cadami oo u tartamayey jagada Madaxweyne Kuxigeen ay isku tolayeen in ay iskaashi cod isku wareejin ah u sameeyaan Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo isaguna u tartamayey jagadaasi labadii maalmood ee ugu dooda adkaa Shirka Golaha Dhexe ka hor intii aaney ka bixin Shirka labadaasi Murashax,waxaana jawigaasi mid Xisbiga Kulmiye dimuqraadiyadiisa kor u qaadey oo si aad ah uga doodeen rag badan oo aqoonyahan ah kuwaas oo aan ka Xasuusto Dr Beer-Geel iyo rag kale oo mudakar ah oo ay kamid ahaayeen Mujaahid Cali Gurey,waxa kale oo iyaduna Xusid Mudan Dr Cabdi Aw Daahir oo isaguna si adag uga doodey qodob madasha Shirka Golaha Dhexe loogu codeeyay markii dambe kaas,oo ahaa in Gudoomiye Kuxigeenka koowaad ee Xisbiga lagu wareejiyo bil kadib markaa uu Xisbigu Guuleysto.
shirkii21(1)

shirkii25

Armaha kale ee Shirkaasi lagu Xasuusto waxa kamid ahaa in Gudoomiye Kuxigeenkii Shirka Goloaha Dhexe Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa oo aan markaa aheyn Mudane Golaha katirsan,uu Shirka daadafeeyay markii uu dhamaadey oo kamid noqdey Xubnihii subaxnimadii ka dudey Shirka,isagoo Sheegay in aanu Shirkaasi cadaalad u qabsoomin halka Xoghayihii Golaha Dhexe Cabdirisaaq Ciyaale oo isaguna mar dambe ku dhawaaqey in uu ka baxey Xisbiga Kulmiye laakiin Shirku Cadaalad ah u dhacay isagoo Xusey in uu ka biyo diidey Xubnaha Beeshiisa laga siiyay Gudida Fulinta iyo Xubnaha Golaha Dhexe ee Shirka lagu ansixiyay.

shirkii11

Gabagabadii waxa isweydiintu ka taagan tahay Maxay ku kala duwanaayeen Waagaas Xisbiga Kulmiye Mucaaridka ahaa iyo Shirka Golaha Dhexe ee Xiligan oo Xisbiga Kulmiye talada dalka gacanta ku hayo isagoo hada soo marey loolan adag iyo khilaaf culus oo ka dhashey Murashaxiinta Jagada Madaxweynaha taas oo saameysay Golaha Xukuumada laf ahaanteeda.
GABILEY.NET
GABILEY OFFICE