Ciidamada Amaanka Oo Xabsiga Dhigay Laba Suxufi Oo Ka Hawl Gala Gobolka Saaxil, Sharcigii Gudoomiyaha Maxkamada Sare Oo Laga Dhigay Hal-bacaad Lagu Lisay.

Hargeisa(GNN):-Laba Suxufi oo ka tirsan wariyayaasha ka hawl gala magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ayey goor dhawayd ciidamada amaanku xabsiga u taxaabeen.

Sida uu soo sheegayo wariyaha Hadhwanaagnews ee magaalada Berbera Yaasiin Jaamac Cali labadan suxufi ayaa lagu xidhay magaalada Abdaal oo ay hawlo shaqo u tageen, iyada oo amarka xadhigiisana uu bixiyey hogaanka saadka ee ciidamada booliska somaliland Maxamed Baaruud Jaamac kaas oo dhawaana xadhig ugu gaystay degmada Mandheera dad ka mudaharaaday dilka taliyihii ciidamada birmadka ee magaalada Berbera.

Xadhiga wariyayaasha ayaa yimid ka dib markii ay hawlo shaqo u tageen magaalada Abdaal kuwaas oo cabashso ka duubayey dad ka cabanayey hogaanka saadka ee ciidamada booliska somaliland.

Waxay ahayd Dhawaan Markii gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland Soo Saaray Go’aan Waafaqsan sharciga iyo xeerarka saxaafada ee lagu tuntay oo sheegay in aan suxufiyiinta somaliland ee madax banaan si dhib yar xabsi loo galin karin balse loo adeegsanayo xadhigooda iyadoo loo marayo in dacwad laga furanayo maxkamadaha dalka kadib marka lagu helo kiiska ama danbiga laga tirsanayo lagu qaado ciqaab danbiyeedka ay galeen,
Balse dhawaaqaasi uu soo saaray gudoomiyaha maxkamada sare aadan xaaji cali ayaaney hayadaha kala duwan ee amaan ku u oofin sidii loogu talo galay,
Wixii warar ah ee kasoo kordha kala soco gabiley news network

Hargeisa Somaliland
Gabiley News Network
contactgabileynews@gmail.com