Daawo: Khabiir Shiine Ah Oo Sameeyay Sariir Laga Dhul Gariirka Lagaga Badbaadi Karo

hanghai, (GNN/Agencies):- Khabiir u dhashay dalka Shiinaha oo lagu magacaabo, Wang Wenxi, ayaa ikhtiraacay sariir sida khasnada lacagta lagu rito oo kale u samaysan, taas oo haddii dhul gariir dhaco, isku daboolaysa qofka ku hurda badbaadana u noqon karta.

Ninkan oo markii ugu horaysay sameeyay sariirtan dhawr sanadood ka hor, ayaa wax ka badan badan iyo casriyayn ku sameeyay, waxaanay warbaahinta dalkiisu baahisay muuqaalada sariirtaas iyo waxa gudaheeda ku sii jira, sida dawooyin, biyo iyo waxyaabo uu qofku naftiisa ku badbaadin karo