DAAWO:Ururka HADAF Org oo Lacag Qaadhan ah oo Hordhaca $ 25.000 Dollar Ugu Deeqay Wadada Bariga Berbera ee GUBAN-XEEB + SAWIRO.

London (GNN)-Ururka Horumarinta Degaanada Bariga Somaliland ee HADAF Org, aya Xalay Lacag $ 25.000 Dollar ah Ugu Deeqay Wadada Bariga Magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil ( GUBAN Iyo XEEB).
Lacagtaas oo Laga Soo Uruuriyay Jaaliyada Reer Somaliland Degaanada Bariga Somaliland ee Ku Dhaqan Dalka UK Iyo Xubnaha Kale Aduunka Dacaladiisa Kala Jooga ee Memberska Ka Ah Urur Weynaha HADAF, aya Xalay Shaaca Qaaday Inay Lacag Gaadhaysa $25.000 oo Dollar oo Noqonaya Face’ka Hore, Waxaana Halkaas Ka Hadlay Gudoomiye Kuixgeenka Ururka HADAF Md Mustafe Cali Wadaad, Isago Halkaas Uga Mahad Celiyay Dadweynahi Ka Soo Qayb Galay Xafladi 11 OCToobar Ka Qabsoontay Magaalada London  ee Lacag Qaaadhan Uruurinta Loogu Uruurinayay Wadada GUBAN IYO XEEB.

Ururka HADAF aya ah Mid Ka Shaqeeya Horumarinta Gobolada Saaxil, Togdheer, Saraar, HAWD, Sool, Iyo Sanaag, Haddi ay Tahay Wadooyin, Schoolo, Xarumo Caafimaad Iyo Waxi Kale Baahiya Aasaasiga, waxaanay Hore Ugu Deeqen Lacag $10.000 Dollar ah Isla Wadada Bariga Berbera.
Waxa Iyana Isla Goobtaas Ka Hadashay Qasnaajiga Ururka HADAF ee Khadra Suleeman Iyado Halkaas Uga Mahad Celisay Dadki Qaadhnka Ugu Deeqay Wadada Bariga Berbera, Iyado Dadki Membershipka Iska soo Wada Baxiyay, waxanaay Ugu Baaqden Dadweynaha aan weli Baxin Lacagti Qaadhanka ay Ku Yaboohen Inay Sida Ugu Dhakhsaha  Badan Iskaga soo Xareeyan, Madaama wadadi Bariga Berbera ay Taagantahay Meel Gebo Gebo ah.
Waxaana Iyana isla Xaflada Ka Hadlay Xubnaha Kale ee Ku Jira Ururka HADAF ee Kala Ah, Faiza Maxamed, Yasmiin Axmed Dubadd Iyo Qaar Kale oo Badan.
bfc39e1a0c5&oe=5679F

 

Log1